Falaagada Al Shabaab Oo Marki Ugu Horeysay Ka Hadlay Xiisada Ka Taagan Dalka Masar.

0

Shabaab-afduub1Muqdisho (AGGM): Falaagada mayalka adag Al Shabaab ee dalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay xiisadaha ka jira dalka Masar iyo rabshadihii dadka faraha badan ku dhinteen ee todobaadkii hore ka dhacay magaalada Qaahira.

War la soo dhigay Barta falaagada Al-Shabaab ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Milateriga dalkaas uu xoog ku qabsaday, kuna afgambiyay dowladdii uu hogaaminayay Maxamed Mursi oo ka tirsanaa Ururka Ikhwaanul Muslimiinka.

Falaagada Al-Shabaab ayaa ku eedeysay Milateriga Masar inay xasuuq u geysteen shacabka, isla markaana ay u dhaqmayaan sidii ciidamo cadow ku ah dadkooda.

Sidoo kale Falaagada Al-Shabaab ayaa sheegtay in tallaabooyinka ay qaadeen Milateriga Masar ay muujisay go’aankoodii ahaa inay laayaan dadka Muslimiinta.

“Hubka ay haystaan ciidamada Masar kulam dagaalami yaqaaniin Yuhuudda iyo kuwa la mid ah ee doonaya inay dhulalka muslimiinta qabsadaan, balse waxay ku xasuuqayaan oo keliya muliminta dalkaas ku nool, si ah sanka uga geliyaan xukunooda kali-talisnimada ah” ayaa lagu yiri narta qoraalka la soo dhigay barta Twitter-ka.

Falaagada Al-Shabaab ayaa ugu baaqay Ururka Ikhwaanul Muslimiinka inay hubka qaataan, isla markaana difaacaan natoojooyinkooda, iyagoo kula taliyay inay iska dhaafaan waxa ay ugu yeereen dimoqraadiyada oo aanay shacabka ku leyn.

Banaan baxyadii u dambeeyay ee ka dhacay dalka Masar ayaa waxaa ku dhintay in ka badan kun ruux, kadib markii isku dhacyo ay dhex mareen ciidamada ammaanka iyo taageerayaasha Madaxweynihii xukunka laga tuuray.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com