Ankara (AGGM): Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in dhaqaale hor leh oo ay ugu deeqday Soomaaliya iyadoo dhinaca kalena sheegtay inay soo gabagaboobay qaybtii hore ee howlihii gargaarka ee ay ka wadey dalka Soomaaliya.
R/wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Başbakan Yardımcısı ayaa sheegay in Turkigu ay soo gebagebeeyeen wajigii horee oo ay gargaarka ugu ururinayeen Soomnaaliya, isagoo intaa ku daray in wajiga Labaadna uu yahay in hab cusub ay Soomaaliya u caawiyaan si ay Soomaaliya lugaheeda isugu taagto.
Sidoo kale R/wasaare Ku xigeenka dalkaasi ayaa intaasi ku daray in Turkigu ay Soomaaliya ka caawiyeen dhinaca bani’aadanimada islamarkaana ay la garab taaganyihiin dadka Soomaaliyeed kaalmo bani’aadanimo oo kaga imaaneysa shacabka Turkiga.
Mudane Başbakan Yardımcısı ayaa tilmaamay in booqashadii R/wasaaraha Turkiga Laba sano ka hor uu ku tegay dalka Turkiga ay aheyd mid taariikhi ah oo dhabbaha u xaartay in Soomaaliya ay gargaar bani’aadanimo ka hesho dalka Turkiga.
R/was are ku xigeenka Turkiga oo hadalkiisa sii wata ayuu hoosta ka xariiqay in xilligan aysan jirin cid Soomaaliya ugu dhimaneysa cunta yari iyo Dawo la’aan sidaasi darteedna ay soo gebagebeeyeen wajigii hore ee gargaarka bani’aadanimada, waxa uuna sheegay in wajiga Labaad ay Soomaaliya ka caawinayaan sidii ay lugaheeda isugu taagi laheyd.
Mudane Başbakan Yardımcısı oo la hadlayay warfiyeennada ayaa sheegay in gargaarkii ay Soomaaliya siiyeen ay ku baxday adduun dhan 506.9 Milyan oo lacagta Turkiga ah, haddana ay soo gebagebeeyeen wajigii hore mar hadii laga soo gudbay xaaladii adkeyd ee ka jirtay Soomaaliya, wuxuuna xusay in hadda ay Soomaaliya ka caawindoonaan dib u dhiska iyo horumarka.
R/wasaare ku xigeenka wuxuu ugu dambeyntii tilmaamay in dowlada Turkigu ay u aruuriyeen Soomaaliya dhaqaale hor leh oo gaaraya 5.506.9 Milyan oo lacagta Turkish Liraha ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com