Daawo: Barnaamijka Hiigsiga Cusub Ee (New Deal ) Ayaa Maaanta Ka Furmay Magaalada Galkacyo Ee Maamulka Gal-mudug.

0

DSC_0562Galkacyo, (AGGM): Shir looga hadlaayo Barnaamijka Higsashada Cusub (New Deal) ayaa maanta ka furmay magaaladda Galkacyo, barnaamijkan oo ah wada-tashi ayaa socon donaa  labo maalmood , waxaana shirka furay Wasiir kuxigeenka  Wasaarada Maaliyadda Qorsheynta mudane  Abukar Sheikh Cabdi Ibrahim oo hormuud u ahaa waftigii dowladdu u xilsaartay New Deal-ka iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid).

Waxaa sidoo kale shirka ka soo qeyb galay dhamaan ururada bulshada rayidka ah sida dumarka, odayaasha, dhalinyarada, iyo  ardayda Jamaacadaha, waxeyna ka doodeen doorka kaga aadan shirka Brussels ee dhici doona bartamaha bisha sebteembar si ay ugu biiriyaan talooyin ayna dhagaystaan dowladda federaalka Soomaaliya oo beryahaan waday la tashiyo ku aadan shirkaas si looga wada qeyb-qaato fekirka ay dowlada ku tageyso.

Wasiirka Maaliyadda DFS  ayaa ka warbixiey argtida fog ee ay dowladdu ka leedahay qorsha Higsiga Cusub (New Deal) ee ku wajahan mustaqbalka Soomaaliya

“Shirkaas ayaa lagu soo bandhigi doonaa qorshaha dowalddu diyaarisay ee New Deal-ka oo ka turjumaya baahiyaha kala duwan ee ka jira dalka Soomaaliya, waana qorshe soconaya mudo sadex sano ah, nidaamkaan waa hab dhaqan cusb oo ka dhaqan galay wadamo ka soo kabanaya colaado sida Soomaaliya. Waxaana laga hirgaliyey markii ugu horaysay todoba wadan, iyadoo iminka ay ka fa’idaysanayaan sagaal iyo toban wadan oo Soomaaliya ku jirto” Ayuuyiri Wasiirku.

Madaxweynaha Maamulka Galmud ayaa sheegay inaysan suurta gal ahayn in la hirgaliyo Higsiga Cusub ( New Deal) hadii caalamku aysan qaadan kaalintooda kaga aadan dib-u-dhiska iyo nabad ku soo dabaalida dalka.

“Waxaa fure u ah hirgalinta Higsiga Cusub (New Deal) xoojinta amniga iyo walaaleynta shacabka Soomaaliyeed waana arrin u baahan in had iyo jeer lagu baraarugsanaado, waxayna masuuuliyadeedu saarantahay ummadda Soomaaliyeed. Waxaa taas xiga in la helo dhaqaale lagu sugo amaanka laguna taageero maamulada gobolada, xoojinta amniga iyo dib-u-heshiisiinta ummada wada dagta gobollada” ayuu yiri Cabdi Qaybdiid.

Caalamka ayaa looga fadhiyaa in ay dowladda iyo shacabkeeda ku  taageeraan  baahiyahooda sida ay u kala mudan yihiin, waxaana hubaal ah in maanta Soomaaliya leedahay dowlad rasmi waana taas sababta loo sameeyey qorshaha “News Deal”.

—DHAMAAD—

DSC_0569

DSC_0571

DSC_0562

IMG_0219

DSC_0565

IMG_0222

DSC_0564

DSC00052

DSC00054
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister
Mogdisho-Somalia
media@opm.gov.so

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com