Safaaradda Soomaaliya Ee Yemen Oo Diiwaangelinayso Ardayda Ka Faa’iideysanayso Deeqo Waxbarasho

0

safaaradSanca(AGGM) Xili dhawaan Wasaradda  Horumarinta adeegga bulshada  ee Xukuumada Soomaaliya, agaasinkeeda Waxbarashada ay deeqo waxbarsho ka heshay  wadamada  Sudan iyo Yemen  ayaa    Safaarada Soomaaliya ee  wadanka  Yemen,  waxay   bilawday   diwaangalinta ardayda  Soomaaliyeed  ee dhamaysatay waxbarasha dugsiyada sare ee ku  nool  xorooyinka  qoxootiga  dalkaasi Yemen ku yaalla. .

Axmed Cabdi Xasan Qusulka  guud ee Cadan  oo la hadlay Radio muqdisho  ayaa tilmaamay in safaarada Soomaaliya  ee wadanka ay soo gaarayaan waalidiinta ardayda dhamaysatay dugsiyada sare  ee  dalkaasi ku yaalla ee aan awoodin in carruurtooda  ay helaan waxbarasha heerka jaamacadeed  ku waas oo doonay inay ubadkooda uga faa’iideeyaan  fursadaha  waxbarasho ee  dawladda dhexe ee Soomaaliya ay ka heshay dalka dibediisa, taasi oo ay usoo marsiisay   qunsuliyada Soomaaliya ee Cadan.

Qusulka ayaa daboolka ka qaaday in ardayda ka faa’iideysanayso deeqahaasi waxbarasho ee Yemen ku sugan ay imtixaanka geli doonaan dabayaaqada bishaan aynu ku jirno, isagoo intaa ku daray in marka Imtixaanka ay qaadaan kadib ay natiijooyinka u soo gudbin doonaan Wasaaradda Horumarinta adeega bulshada, waxaana uu  meesha ka saaray  in ay dhacdo  musuq maasuq lagu sameeyo deeqahaasi.

Axmed Cabdi Xasan  ayaa  xusay  in deeqaha waxbarasho ee ay helayaan ardayda Soomaaliyeed ee Yemen ku dhaqan aanu ahayn kuwa ku filan balse ay rajo weyn ka qabaan in deeqaha ay isa soo tari doonaan.

Dhawaan ayay ahayd markii qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool wadanka Yemen  ay Wasaaradda adeega bulshada Agaasinkeeda waxbarashada u qoondeysay 20 ka mid ah deeqo waxbarasho oo ay Wasaaraddu ka heshay dalka Yemen, taasi oo la doonayo in ay ka faa’iideystaan ardayda Soomaaliyeed ee Yemen ku nool.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com