Qaraxyo Khasaare Sababay Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

0

976A8A0C-19F1-45E5-88B1-5006F23D35EB_mw1024_n_sKismaayo(AGGM) Maanta waxaa Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubadda Hoose oo wali gacanta ugu jira Ciidamada dawlada kiniya iyo jabhadda Raaskambooni ka dhacay Qaraxyo xoogan oo la sheegay inay ahaayeen kuwa dhulka lagu duugo isla markaasna meelaha fog fog laga hago.

Qaraxa koowaad ayaa ahaa mid xoogan isla markaasna lala beegsadey Ciidamo ka tirsan jabhadda Raaskambooni oo watey gaari Surf ah xili ay mareyeen nawaaxiga Masjidka Jaamac Magaalada Kismaayo,waxaana qaraxaasi ku geeriyooday in ka badan 4 askari oo ka tirsanaa Jabhadda Raaskaambooni iyadoo dhaawacyo culusi soo gaareen 5 askari oo ka tirsan isla jabhadda Raaskambooni.

Sidoo kale waxaa mar dhaweyd isna qarax aad uu xoogan ka dhacay Xaafada Fanoole ee Magaalada Kismaayo,waxaana la sheegay in qaraxaasi isna lagu weeraray ciidamo ka tirsan jabhadda Raaskambooni oo la sheegayo inuu dhaawacyo kala duwan iyagana qaraxaasi ka soo gaarey,waxaana la sheegaya in dhaawaca askartaasi loola cararay isbitaalka Magaalada Kismaayo.

Qaraxyadan ayaa ku soo batey Magaalada Kismaayo iyadoo laba maalin ka hor Magaalada Kismaayo uu ku geeriyooday Ugaas si weyn looga yaqaanay gobollada Jubooyinka kaasi oo ku geeriyooday qarax miino oo loo dhigey gaari uu la socday,waxaana la aaminsan yahay in Xarakada Alshabaab weeraradaasi ka fuliyaan Magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyntii Jabhada Raaskambooni iyo Ciidamada dawlada kiiniya ayaa u awood waayey inay hakiyaan qaraxyadad sida tusbax la furey uga dhacaya Magaalada kismaayo,waxaana la sheegaya ilaa intii ciidamada dawladda Kiniya iyo jabhadda Raaskambooni soo galeen Magaalada Kismayo ay ka dhaceen in ka badan 100 qarax.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com