Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Duulaya Wadanka Itoobiya Kana Qaybgalaya Xuska Geeridii Melez

0

Hassan_Sheikh_Mohamud-1Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Madaxweynaha ayaa kaga qeyb galaya Addis Ababa sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay geeridii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Meles Zenawi oo geeriyooday 21-Agosto ee sanadkii hore.

Wararka ayaa sheegaya in Munaasabado waa weyn oo lagu xusayo sanad guurada geeridii Meles Zenawi ay ka dhici doonto magaalada Addis Ababa, taasoo ay ka qeyb geli doonaan Madax ka socotay Afrika. Madaxda Soomaalida ayaa sanadkii hore si wada jir ah uga qeyb galay aaskii Meles Zenawi loogu sameeyay Addis Ababa, kadib markii Meydkiisa laga keenay dalka Belgium oo Isbitaal ku yaala uu ku geeriyooday.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo ku aadan safarka Madaxweynaha iyo ka qeyb galkiisa sanad guuradii koowaad ee geeridii Meles Zenawi. Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo aaday, xilli lagu wado in magaalada Addis Ababa uu ka furmo wada hadalo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Axmed Madoobe, iyadoo magaalada ay kala gaareen wafuud ay kala hogaaminayeen Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir iyo Axmed Madoobe.

Kuma cusba madaxda Soomaalida marka la doorto inay tagaan Addis Ababa, Madaxweyne Xasan Sheekh oo ahaa madaxweynihii u horeeyay ee lagu doorto caasimada Soomaaliya ee Muqdisho muddo afartan sano ayaa dhowr jeer tagay Addis Ababa tan iyo markii loo caleema saaray Xafiiska. Ra’iisul Wasaarihii hore Itoobiya ayaa qabsaday xukunka dalkaas sanadkii 1991-dii, waxaa uu intii uu maamulayay dagaalo la galay Erirea la galay, sanadkii 2006-dii ayay aheyd markii horeysay oo Ciidamo Itoobiyaan soo galaan Soomaaliya, xilligaaso ay dagaalo gobolada iyo Muqdisho ugu saareen Maxkamadihii Islaamiga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com