Khasnajigii Bankiga Dhexe Ee Bosaaso Oo Caawa Ciidamada Amaanka Puntland Toogteen

0

deg-deg-muhiim19Bosaso(AGGM) Waxaa caawa gudaha Magaalada Bosaaso si bareer ah loogu toogtey Alle ha u naxariistee Yuusuf  Salaad Saalim oo ahaa Khasnajigii Bangiga Dhexe ee Magaalada Bosaaso,waxaana la sheegaya inay dilkiisa fuliyeen ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland kuwaasi oo joogey meel baaburta lagu baaro.

Marxuumkan ayaa la sheegay in ciidamada amaanka Maamulka Puntland ku amreen inuu gaariga ka soo dego isla markaasna baaritaan lagu sameeyo,waxaana la sheegay in markii uu gaariga ka soo degay askari ka tirsanaa ciidamada amaanku uu rasaas ku furey isla markaasna sababteyn inuu Geeriyoodo Yusuf Salaad Saalim.

Marxuumkana ayaa la sheegaya inuu watay gaari nooca raaxada ah isla markaasna ay ciidamadu joojiyeen ayna damceen inay baaraan gaariga uu watay balse askari goobta ku sugnaa ayaa la sheegay inuu rasaas ku furey marxuumkaasi iyadoo la sheegay inuu isla goobta ku geeriyooday Yuusuf Salaad Saalim oo ahaa Khasnajigii Bangiga dhexe ee Magaalada Bosaso.

Askarigii dilkaasi fuliyey ayaa la sheegay inuu ka baxsaday halkaasi,waxaana wararku sheegayaan in ciidamada amaanka ee halkaasi ku sugnaa ay ku daba joogaan soo qabashada askarigaasi oo la aaminsan yahay inuu ka baxsaday goobtii dilku ka dhacay,waxaana marxuumka maydkiisa loo qaaday Isbitaalka Magaalada Bosaaso.

Ugu dambeyntii Magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maalmihi la soo dhaafay ahayd meel amaan ah oo aysan ka dhicin wax qaraxyo ama dilal ah kuwaasi oo awal hore si joogto ah uga dhici jiray gudaha Magaalada Bosaso iyadoo la bartilmaameedsan jirey ciidamada Puntland iyo masuuliyiinta Maamulka Puntland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com