Drs Maryan Qaasim Oo Muqdisho Kula Kulantay Mas’uuliyiinta Daladaha Waxbarasho Ee Dalka

0

maryanqasimlabourdelegatesgatherannualn4hz6z17mm2lMuqdisho(AGGM) Wasiirka horumarinta adeega bulshada ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaadatay mas’uuliyiinta daladaha waxbarashada Soomaaliya, kaasi oo looga hadlayay horumarinta nidaamka waxbarasho ee dalka.

Kulankani oo ay sooqaban qaabisay Waasaaradda horumarinta adeega bulshada ayaa looga hadleyeey sidii looga wada shaqeyn lahaa in lahelo nidaam waxbarsho oo midaysan, iyadoo ay wada shaqeyn toos ah dhexmareyso daladaha waxbarasho ee dalka kajira iyo Wasaaradda.

Mid ka mid ah Madaxda daladaha Waxbarasho oo goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay soo bandhigeen nidaamka lagu mideyn karo waxbarashada dalka, isagoo talaabadaasi ku tilmaamay mid meesha ka saarayso manaahijta kala duwan ee ardayda wax lagu baro.

Agaasimaha waxbarashada ee Wasaarada horumarinta adeega bulshada Maxamed C/qaadir ayaa shaaciyay in kulanka maanta uu muhiim ugu ahaa mideynta waxbarashada dalka.

“Nuxurka kulanka waxa uu ahaa barnaamij ku saabsan sida loo mideyn karo waxbarashada dalka iyo sida loo hormarin karo, daladuhuna waxa ay door ka qaateen horumarinta waxbarashada, maadaama uu dalku soo maray marxalado kala duwan, iyaguna ay markasta u taagnaayeen horumarinta nidaamka waxbarashada” ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed C/qaadir.

Kulanka oo mudo qaatay ayaa lagu lafa gorfeeyay qorshayaal ku aadan sidii loo hirgelin lahaa iskuulaad waxbarasho oo lacag la’aan ah, kuwaasi oo laga sameyn doono dhamaan gobolada dalka, si ay uga faa’iideystaan carruurta aan waalidiintooda awoodin in ay ilmahooda geeyaan goobaha waxbarashada ee sida gaarka ah loo leeyahay.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta adeega bulshada Drs Maryan QaasimAxmed  oo ugu dambeyntii kulanka hadal ka jeedisay ayaa ku boorisay dhamaan daladaha waxbarasho ee dalka ka jira in ay kala shaqeeeyaan Wasaaradda sidii loo taabo gelin lahaa qorshayaasha socda ee dhanka waxbarashada ku saabsan.

“Waxaad tihiin dadka gartay in aysan lumin waxbarashada dalka arrintaasina waa idinkaga mahadcelinayaa, marka waxaan kaloo rabaa in aad naga aqbashaan carruur badan oo waxbarasho la’aan hayso in aad waxbarasho siisaan,” ayay tiri Maryan Qaasim.

Geba gebadii kulanka ayaa waxaa la gudoonsiiyay madaxda daladaha waxbarashada buugaag ay ku qornaayeen diwaanka cashirada laga dhigo dugsiyada sare oo midaysan, kuwaasi oo ay diyaarintooda ka qeyb qaateen daladaha waxbarsaho ee dalka ka jira.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com