Dhageyso: Jawaari & Weftigisii Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtey Maanta

0

JawaariMuqdisho(AGGM) Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muddo ku dhow todobaad booqasho ku joogay dalka Uganda ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo magaalada Kambala heshiis kula soo saxiixday barlamanka wadanka Uganda kulamana la soo qaatay madaxweynaha dalakasi ayaa markii uu soo degay waxaa si weyn usoo dhaweyay mudanayaal ka tirsan baarlamanka Soomaliyeed.

Ku xigeenka gudoomiyaha gudiga arimaha dibeda ee barlamanka Soomaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka hadlay munaasabad kooban oo garoonka loogu sameeyay gudoomiyaha ayaa ku amaanay howsha taarikhiga ah ee uu soo qabtay heshiiska waxwadaqabsi ee ay gaareen Baarlamannada Labada dal.

Gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in goor dhow uu bilaaban doono hirgelinta heshiiska ay gaareen Baaralamanak dalkeena iyo kan Uganda islamarkaana xubno ka socda barlamanaka Uganda ay dhawaan imaan doonaan magaalada Muqdisho.

Dowlada Uganda ayaa saaxiibo dhow la ah Soomaaliya iyadoo  aheyd dalkii ugu horeeyay ee ciidamadiisa usoo dira Soomaaliya si ay usoo celiyaan rajada dadka Soomaaliyeed looguna soo dabaalo nabad, iyagoo qeyb weyn ka qaadatay nabadeynta iyo ka xoreynta argagaxisada dalkenna .

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/08/DHAGEYSO-GUDDOOMIYAHA-BAARLAMAANKA-SHIRKIISA-JARAAID.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com