Ururka Suxufiyiinta Qaranka Ee NUSOJ Oo Si Kulul U Cambaareeyay Dilkii Marxuum Axmed Shariif Xuseen

0

nusojNairobi(AGGM) Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii shalay magaalada Muqdisho loogu geystay  Allaha u naxariistee Axmed Shariif Xuseen oo ka mid ahaa howlwadeennada wasaarada warfaafinta.

Warsaxaafadeed ka soo baxay ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si kulul loogu cambaareeyay dilkii foosha xumaa ee ee shalay kooxo hubeysani ay Muqdisho ugu geeysteen Allaha u naxariistee Axmed Shariif Xuseen oo ahaa Engineeer dhinaca farsamada ah kana tirsanaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Warkan ka soo baxay ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa lagu sheegay in marxuumka ay kooxaha dilka geystay ay u toogteeen si arxan darri ah ayna ka toogteen qeybo badan oo ka mid ah jirkiisa.

Ururka waxa uu si kulul u cambaareeyay dilalka joogtada ah ee lagu bartilmaameedsanayo shaqaalaha warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed iyo dadka kale ee waxtarka u leh bulshada.

Sidoo Ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka dalbaday madaxda Qaranka Soomalaiyeed iney ku dadaalaan sidii looga hortagi lahaa dilalka loo geeysanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed, iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxihii shalay dilay Marxuum Axmed Shariif Xuseen.

Dhinaca kale Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa si diirran usoo dhaweeyay xukunkii dilka ahaa ee shalay lagu fuliyay gacan ku dhiiglihii dilay wariye Xasan Yuusuf Absuge oo ka tirsanaa wariyayaashi ka howlgali jiray Muqdisho.

Warsaxaafadeedkan ayaa loogu tacsiyeeyay eheladi iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum Axmed Shariif,  iyagoo u rajeeyay in Allaah uu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo Eheladii iyo qoyskii uu ka tegayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com