Fadeexad:Sanad guuradii 29aad Ee JWXO & ONLF Oo Laga Xusay Xerada Dhagaxlay & Masuuliyin Khadka Telefoon Kaga Qayb Galay (Sawiro)

0

DSC003981-e1376733244287Xagardheere(AGGM) Maalinimadii ay taariikhdu ku beegnayd 15/08/2013 waxaa xerada qoxootiga dhagaxlay ee deegaanka dhadhaab lagu qabtay xaflad aad u balaadhan oo lagu maamuusayay aas’aaskii jabhada wadaniga xoraynta ogadeenya (JWXO) & ONLF. munaasabadan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay waxaa soo qorsheeyay islamarkaana daadihinayay maamulka faraca  jaaliyada soomaalida ogadeenya MIDNIMO ee xerada dhagaxlay.

Munaasabadan qaban qaabadeeda iyo kharashaadkeeda waxaa bixiyey hogaanka Maamulka Raaskambooni ee gobolladda Jubooyinka Shiikh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo isagu khadka telefoonka kaga qayb galay munaasabadaasi oo si toos ah uga dhacday Xeradda Dhagaxlay ee Dhadhaab.

Shiikh Axmed Madoobe oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa ugu hambalyeey shacabka Ogaadeeniya ee ku sugan xeryahaasi munaasabadda 29 aad ka soo wareegtey Aas Aaska Jabhadaha JWXO & ONLF,waxaana uu ugu hambalyey shacabkaasi sida wanaagsan ee ay munaasabadaasi ugu qabteen xeryahay qaxootigga isagoo shaaciyey in dhawaan degaanka Ismaamulka Soomaalida itoobiya dib u xoroobi doonaan.

Sidoo kale waxaa munaasabadaas khadka telefoonka kaga qayb galay Mudane Yuusuf  Xaaji, Ilyaas Bare Shiil &  Faarax Macalin oo dhamaantood shacabka Ogadeeniya ee ku sugan xeryaha Qaxootiga ugu hambalyeyey Sanadka guurada 29 aad ee kas oo wareegtey Aas aaska urrarada Xoreynta degaanka Soomaaliya ee Ogaadeeniya,waxaana ilaahay uga rajeeyeen inay ka xoorobi doonaan dawlada itoobiya.

Munaasabada ayaa bilaabatay abaare 10:00 barqinimo waxaana lagu furay sidii caadada ahayd Aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah, waxaana makarafoonka lagu  soo dhaweeyay sheekha deegaankan ugu magaca wayn ahna qaadiga magaalada sheekh shamsudiin. Sheekha ayaa ku dheeraaday wacdi dhinacyo badan taabanayay. Intaa kadib waxaa la guda galay ajandayaashii  loogu talagalay xaflada oo ay wada jir udaadihinayeen gudoomiyaha jaaliyada halgame Axmad daahir iyo xoghaya jaaliyada halgame c/laahi xildiid.

Waxaa ugu horaynba goobta laga akhriyay taariikh halgamadkii shacabka reer ogadeenya ay soo mareen oo ka kooban laga soo bilaabo xiligii imam axmad guray,  Daraawiishtii, xiliyadii jabhadihii Nasrulaahi iyo WSLF iyo wali halgankan hadda socda ee ay caynaanka u hayso jabhada wadaniga xoraynta ogadeenya & ONLF . Intaa ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay mid kamid ah halgamayaasha  CWXO oo socdaal ku joogay deegaanka dhadhaab, wuxuuna warbixin aad u dheer ka dhiibay  guud ahaan Ogadeenya iyo meesha uu halganku maanta marayo, isaga oo ifiyay  in cidkasta oo gudaha wadankii ku nool ay u udgayso saxansaxada xoriyaddu.

Sidoo kale waxaa lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha odayaasha reer ogaadeenya Mudane Saxane, wuxuu odaygu aad uga hadlay waxuu usoo joogay, wuxuuna ka warbixiyay dhibaatooyinkii ay talisyadii Ethiopia soo maray u gaysteen shacbka Soomaalida Ogadeenya, wuxuuna sheegay xiligii xayle salaase in uu u soo joogay illaa iyo xiligii Mingistu iyo waliba xiligan ay TPLF tu wadanka haysato.

Mudanahan ayaa  sheegay in uusan hal subax ah wuxuu ku farxo uusan arag maqala. Wuxuu odaygu aad u guubaabiyay dhalinyaradii madasha fadhiday oo uu ugu baaqay in ay wadankooda siday wax uga badali lahaayeen falowgeeda galaan.Intaa kadib waxaa lagu soo dhaweeyay Marwo Bishaaro C/lahi oo u hadlaysay dumarka islamarkaana ka mid ahayd wufuudii ka timid xerada Xagardheere waxayna madasha kasoo jeedisay hadalo aad qiiro leh oo dadkii madasha fadhiyay dhiigooda kiciyay.

Ugu danbayn waxaa lagu soo dhaweeyay Abwaan c/laahi Aadan sh maxamad ( JWBO)  Iyo kooxdiisii HILAAC oo soobandhigay riwaayad heeso aad uqiimo badan oo farxad iyo khushuuc galiyay dhamaan dadkii faraha badnaa ee xaflada ka soo qaybgalay

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC003911-e1376733203307DSC003981-e1376733244287DSC004011-e1376733301246DSC004031-e1376733377431DSC004071-e1376733416164