Reer Minisota Oo Tageeray Waxqabadka Dawlada Federaalka Ah Ee Soomaaliya

0

flagge-somaliaLondon(AGGM) Jaaliyada Soomalaiyeed ee ku nool dalka Mareykanka ayaa soo dhaweeysay waxqabadka dowlada iyagoo ku baaqay in dowlada lagu gacan siiyo wax ka qabashada xaaladaha dalka ka jira.

Jaaliyada gobolka Minisota ee dalka Mareykanka ayaa qabatay kulan lagu taageerayay waxqabadka dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan go’aannadii ka soo baxay shirkii Kambala, iyadoo kulankaasi ay ka soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool gobolkaasi.

‘’guul weyn ayeey soo hoysay dowladani waana wax taariikhda gelaya oo aad iyo aad u weyn dowladani waxey keentay ictiraafkii waxey keentay in la qaado cunaqabateynta hubka,  dowladani waxey keentay in Bankiga addunku na aqoonsado, waxeey keentay safaaradihii aduunkoo dhan iney yimaadaan’’ Ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii ka hadlay kulankaasi.

Xubnaha Jaaliyada ee ka hadlay kulankaasi ayaa si diirran usoo dhaweeyay waxqabadka dowlada iyo guulaha ay ku tallaabsatay dowlada muddada ay jirtay,  iyagoo ka dalbaday ummadda Soomaaliyeed iney dowlada ku garab siiyan sidii ay dalkeena uga hirgelin laheyd nidaamka dowladnimada ugana dhigi laheyd meel nabad ah oo ka caaggan argagixisada.

Sidoo kale jaaliyaddu waxey cambaareeyeen siyaasiyiin ay ku sheegeen iney ka soo horjeedaan dadaalada dowlada,  iyagoo kula taliyay iney taageeraan dowlada kana shaqeeyaan maslaxada ummadda Soomaaliyeed.

Jaaliyadda ayaa mas’uuliyiinta dowlada ku amaanay waxqabadka iyo dadaallada ay muujiyeen waxeyna ku tilmaameen iftiin iyo rajo wanaagsan oo u baxay ummadda Soomaaliyeed, taasi oo ay ku tilmaameen fursadii looga bixi lahaa dhibaatada mudada dheer ay ku soo jireen ummadda Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com