GABLAN Geeddina Wali Ma GUNUUNACAA!

0

KENYA SOMALIABeriyaa waxaa jiri jiray nin QAWLAYSATO ahaa, oo caan ku ahaa DHICIDDA iyo BOOBKA xoolaha, deegaanka uu deganaa iyo dadka uu noolaana ay ku yaqaanneen XATOOYADA xaddhaafka ah. Waa ta la yiri: “Bahal ciiriin ah ma daayo, ninna caadi ma Baajee!” mid kale waa tii lahayd: “Mukulaal madax Doolli kama Xajisee!” ama tii kale uu dhahaysay: “Waxaad barataa waa baaskaa” maalin maalmaha ka mid ah ayaa ninkii TUUGGA ahaa wuxuu xaday neef LAXA. Haddii xoolihii soofka ka soo laabtay ee xeradii ama mooradii ku soo aruureen laga waayey neefkii LAXDA ahaa, oo markii la tiriyey la tebay ayaa waxaa loogu dhaqaaqey raadin.

Baadiyaha inta badan waxaa wax lagu goobaa YABOOH ama RAAD. La yiri: “Nin Hali ka maqan tahay Haan gorof ahna gacanta waa galshaaye” dabagal dheer ka dib, raggii raacdada LAXDA ku jiray waxay heleen raadkii LAXDA iyo qofka watayba. Raadraac iyo raadco dheer ka dib, waxay dul tageen ninkii HABAARQABAHA ahaa ee ay astaan iyo sumadduba u ahayd dhaca iyo boobku, maadaama uusan tilmaam iyo tusaalayn kale u baahnayn ayaa waxaa la weydiiyey; inuu arkay LAXDII iyo in kale?.

Aadanaha inta badan waxaa dhaqan u ah inuusan marka hore qiran fal dambiyeedka uu galo, inta looga celcelinayo ama muddo ay ka soo wareegayso. Nasiib darro TUUGGAN inay LAXDU isaga ku maqan tahay waxaa sheegaya, wuxuu dhex fadhiyaa raqdii neefa, waxaana dulyaal neefkii Madaxiisii iyo haraggiisii oo labadaba Summaddii iyo Baadi soocdii ku taallo oo marag ma doonta ah, dhammaanna caddaymo u ah in LAXDU isaga ku maqan tahay, oo aysan meel kale jirin qof kalana la tagin, haddana, wuxuu la soo istaagay inkiraad iyo af jigid, kuna dhaartay inuusan arag LAXDAA baadida ah ee reerkan ka maqan “Tuugo qaado oo ha dhaaran ma qiraa?”.

Nin caqli badnaa oo la socday nimanka LAXDA baadi goobayey ee raadinteeda ku hawllanaa ayaa inta hariirihiisa fiirshay ku yiri: “TUUGGAASAAD LAX KA DHAARSATAA!” xaa yeelay umaba baahna in la dhaarsho ama caddaymo loo raadsho inuu LAXDA isagu qaatay, illeen haraadigii neefka ayaa wali hareerihiisa yeellee, kaba muhimsane, horta ha dhaartee ama ha la dhaarsadee ninku saw kii uun ma ahan? Haddaa xaad ka dhaarsan? “Nimaad taqaan yaa tahay lama yiraa?!” ama “Nin hadduu maro isa saaro oo iska qaado waa isagii uun” ama “Nimaad beri ku baran wayday bil kuma baratid!” Illeen dhaarta iyo dhagartu waa isugu mid isagee.

Siyaasadda silcinta Soomaalida inta lagu gudajiray, gaar ahaan burburka [noolka] iyo baaba’a nafta [bulshada] waxay soo martay heerar kala jaad, maalinna kuma nasan, degin, xasilin mana ku negaan Gego, Goof, Berrin, Dhabbe ama Hilin suubban, qumman ama habboon. Mar waxaa ugu wacnaa DHUUNIGA iyo SAB CUNAHA [SIYAASI] mar kale waxaa u sabab ahaa SHISHEEYE SHIRQOOL dibinno iyo dibir nala damacsanaa, mar kale DIIN DACAREEDKA WADAADDU WADEEB ayaa ugu wacnaa, mar kale XAARAAN CUNKA iyo GAFANAYAASHA [GANACSATO] ayaa u geyfanaa, intuba waxay si dadban iyo si toosaba u marjiyeen dal iyo dad, calan iyo ciid, Soomaaliyana waxay noqotay bahala galeen iyo waddanka dunida ugu cabsida badan [ammaan xun], dhanka kale ugu baahi iyo gaajo badan [abaaro badan].

Dawladdii Manifesto ee uu madaxda ka ahaa Cali Mahdi Maxamed ee sababta u noqotay dagaalkii AFAR BILOODKA ee Xamar ku dhex maray Cali Mahdi iyo Gen. Caydiid, ka dibna u xuubsiibtay billowga sanadihii tiiha iyo taaj la’aanta, ayaa ku dhawaad toban sano ka dib, waxaa Magaalada Carta lagu soo dhisay Dawladdii C/qaasim Madaxda ka ahaa, ee horseedday nidaamka baas ee afarta iyo barka (4.5) taa waxay ka qayb tahay dhibaatooyinka Jabuuti Soomaaliya u gaystay, walina la damacsan tahay.

Shirkaa Carta waxaa qaaddacay badi qabqablaayshii koofurta ka talinayey, ee ay ugu horreeyeen C/laahi Yuusuf oo ahaa horjoogihii Maamulka Bari, sababna u ahaa fashilkii ku yimid Shirkii Masar sanadkii 1998, ka dib markii uu magangalay Safaaradda Itoobiya ku leedahay Qaahira, awalba adeege Xabashi inuu ahaa ciddii ay ka qarsanayd wuxuu si rasmi ah u ogaaday sanadihii tacaddigii ugu darraa Soomaaliya ka dhacay, ee Xabashidu soo gashay dalka, qormadana qayb ka noqon doonta. Sidoo kale waxaa laga xusi karaa, Xuseen Caydiid oo usha qabqablenimada Aabbihii Caydiid ka dhaxlay oo isna ka mid ahaa berigaa kuwii ay u kala xirnayd Muqdisho.

Dawladda C/qaasim maamul xumo, musuqmaasuq iyo maarayn la’aanta ragaadisay waxaa u dheeraa Qabqablayaasha ay Dawladda Itoobiya si toos ah ugu kicisay, heer ay markii dambe shir ugu qabatay Magaalada HAWASHA kooxdii la baxday SRRC oo markii dambe u xuubsiibtay kuwii ugu horreeyey ee aqbalay furitaanka iyo ka qaybgalka Shirkii Kenya ee 2004 ee lagu soo dhisay dawladdii ugu xumayd ee abid Soomaali soo marta, ee mudanaha martida noogu ah qoraalka uu madaxdeeda sare ka mid ahaa.

Shirku wuxuu jiitamoo daba dheeraado, siyaabo kala duwanna looga baxay, ayna ka mid yihiin raggii ka carooday Cali Mahdi, oo ku dooday inaan shirka Soomaalidu u madax bannaanayn, maamulkiisana uusan gacanta ugu jirin, isagoo eedda faragalinta shirka dusha uga tuuray Ururka IGAD, si toos ahna u sheegay inay faragalin cad ku hayso qaab socodka shirka Dawladda Xabashida, markii ay dalka ku soo duushase ku soo dhaweeyey Degmada Afgooye. Yaab Alla mabda’ la’aantu dhib badanaa, haddaba Cali ma markuu shirka ka soo carooday ayuu qaldanaa mise markuu Xabshi gudaha dalka ku soo dhaweeyey? Bal adba.

Shirkii wax la isku horfadhiyo, marka laga soo tago in jabhadkii ugu macangagsanaa Madaxweyne laga soo dhigay, waxaa lagu soo qaatay hannaan baaska loo yaqaan FEDERAL, oo si dedan iyo si daalacanba u ah BEELAYSI, xaa yeelay inta dawlad goboleed la tigtigan oo dhan waa Jufooyin isku hayb ah, oo aysan ku dhex jirin beel kale, haddana, iyagii ayaanba is haysan, Puntlandba tusaale ugu soo qaado, doorashada soo  socota inay qilqiil ku jirto ka sokow, waxay u kala jabtay maamullo dhawr ah, sida: Khaamtumo State, Raas Casayr State, Maakhir State,West Mudug State iwm.

Dawladdii shirkaa lagu soo  dhisay oo aan u baxshay DALLADDII QABQABLAYAASHA, waxaa Ra’iisul Wasaare ka noqday Cali Maxamed Geeddi, oo aan asal ahaan ku jirin Baarlamaanka, axdi beeneedkuna dhigayey in qofka xil Wasiirnimo qabanayaa uu yahay Xildhibaan, waa afduub iyo afjigid ku salaysan anaga yeysan wax na dhaafin.

Ka dib markii ay marar badan la soo daristay dhibaato ah in Geeddi uusan ahayn xubin ka tirsan Baarlamaankii Federaalka kumeel gaarka ahaa, ayaa Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” oo ahaa hoggaamiye kooxeed xaruntiisu ahayd Magaalada Jowhar oo qaraabana la ahaa Geeddi, Itoobiyana xiriir iyo gacan saar la lahaa lagu amray [dhaadhiciyey] inuu booskiisa Baarlamannimo banneeyo, sidaana waxaa ku suuroowday inuu Geeddi ka gudbo caqabadii Xubinnimada Baarlamaanka.

In kasta oo Geeddi waxyaabo badan lagu sheego dhalmadiisii hore, korrinadiisii, waxbarashadiisii iyo ilaa maanta uu siyaasi galgal badan yahay, ayaan anigu ku gaabsan doonaa intii uu xilka Wasiirka Koowaad ahaa wixii uu qalad iyo gef ka galay Soomaali iyo gaar ahaan inta Muqdisho degta ama markaa deganayd. Mudane Geeddi intii dagaalka sokeeye socday wuxuu Cali Mahdi u soo noqday XOGHAYA SAHAYDA iyo GACANYARAHA XOGHAYNTA DIFAACA, haddaba, ka sheekayn uma baahna dagaalkii dhexmaray Cali Mahdi iyo Gen. Caydiid qasaaraha uu u gaystay magaalada Muqdisha dadka deggan iyo hantidoooda ee naf iyo noolba leh, taa oo dhanka kale shaki kaa galinaysa inta Mudane Geeddi ka ogaa SUNTA XEEBAHA DALKA lagu shubay!

Mudane GEEDDI xilliga uu xilalkaa hayey cidna garan mayn, markase si fiican loo wada bartay waa markii uu noqday Wasiirka Koowaad ee XUMUUMADDII XERTA XABASHIDA, [DALLADDDA QABQABLAYAASHA] madaama ay badi Wasiirradu ahaayeen kuwii Soomaalida koofureed halaagga ku ragaadiyey, mar haddiiba Madaxweyne laga dhigay Odagii Jabhad Soomaali ugu cimriga dheeraa inta kale xaad ka filan kartaa? Berigaa waxaan qoray qormo cinwaankeedu ahaa: “Yaa Hoggaamiya Soomaaliya?” inay ku jirto qormooyin badan oo iga dhumay awgeed, ayaanan idiin kugu soo bandhigin karin ama wadaajin karin.

Mudane Geeddi iyo C/laahi Yuusuf tallaabadii koowaad ee ay qaadaan waxay ahayd inay Baarlamaanka horgeeyeen in la ansixiyo qorsho ay ku doonayeen in Ciidamada Shisheeye ee imaanaya dalka ay ku jiraan Ciidamada Safka hore [ITOOBIYA, KENYA iyo JABUUTI] tii ka dhacday inay taariikhda noo gashay ka sokow, ayaamo dhan ayaa naloooga maadsanayey shaashadaha dunida, ka dib markii Baarlamaanku feer iyo haraatidu ku fillaa waysay ay kuraas isla dheceen.

Ujeedkii ay geed dheer iyo geed gaaban u koreen ee aan u suuragalin waxaa u soo dadajiyey WADAADDADII WAALLIDU WADDAY, marka waxaan dhihi lahaa ninka doonaya inuu labada KAALIYE XABAYISHEED [C/laahi iyo Geeddi] dhaliilo waa inuu ku lammaanshaa ama ka hormarshaa kuwii koofiyadaha iyo qamiisyada watay ee Shariif, Janaqow, Indhacadde, Xasan Daahir IQB. Haddii kale lug ayaa kuu laaban, xaa yeelay Xabashida timid Gobollada ka fog xuduudkeeda waxaa u sabab ahaa WADAADDADII WAALLIDU WADDAY.

Haddii Xabashi Xamar timid Mudane GEEDDI wuxuu ka badbaaday dhawr qarax, oo lagu doonayey in lagu qaarijiyo, horta Alle dile ayaa dhinta, balse, mid kale ku darso, inta qaska, dhibka iyo qaxarka ka shaqaysa dadka kale waa ka cimri dheer yihiin, oo waxaa jirta in qofka la jecel yahay geeridiisu soo degdegto, halka habaarqabaha iyo halaagwadaha uu cimrigiisu raago, malaha waa CAWS GEERIYAADKII la sheegayey iyo u SEETA dheerayn si uu qaladka u sii galo, Dambiguna ugu sii bato.

XUKUUMADDII GEEDDI iyo DAWLADDII C/laahi Yuusf madaxa ka ahaa, waxaa lagu xasuustaa:

1-Inay Xabashi Waddanka soo galiyeen.

2-Inay xasuuq wadareed kii ugu darnaa ugu xumaa ugu qaraaraa gaysteen.

3-Inay Muqdisho intii ka caymatay burburka ama dib ka dhisantay ay dhulka la simeen.

4-Inay qixiyeen in ka badan intii ku barakacday dagaalladii sokeeye, xaa yeelay, waxaa duullaankoodii ku qaxay dad aan waligood Xamar dhanna u dhaafin intii dirir dhacaysay oo dhan.

5-Inay ku faaneen inay dambiyadaa galeen oo ay wali la taagan yihiin.

6-Inay sabab iyo horseed u noqdeen in Soomaaliya mar kale faragalin aan waqtiga ay dhammaanee aan la aqoon la galiyo [MAXMIYAD MADOOW]

7-In C/laahi Yuusuf uu Soomaali cafis weydiistay, waliba maalin Ciideed, halka wali Geeddi u dabada hayo qas iyo qalalaaso, isna ma wuxuu Soomaalida cafis waydiisan doonaa marka ay ka daba timaad? Wallee inaan maalintaa waxba la idin ka koobinayn, waa hadal Malaggii galay, ee inta ay goori goor tahay aa habboon la is daba qabto.

8-Inay abuurtay nooc kale oo qabqablayaal ah, u fiirso sida ay u dhaqmi jireen ilaa iminkana u dhaqmaan raggii ka agqaylin jiray sida; Xuub Sireed, Yuusuf Azhari, Gaas, Salaad Cali Jeelle, Maxamed Dheere, Gacma Dheere, Xuseen Caydiid IWM.

9-Inay masuul ka yihiin gabdhaha ay wali kufsiga iyo fara xumaynta ku hayaan ciidanka shisheeye [AMISOM] ama Xabashi oo tii u dambaysay dhacday maalinnimadii IIDDA SOON FUR, illeen iyagaa markii hore dalbadee.

10-Inay reebeen dhawaq aan dadka qalbiyadooda ka go’in, kuna reebay utun iyo muhasho.

Arrimihii berigaa dhacay dhawr qormo oo aan ka qoray ayaa iiga filan, si inaan gocosho iyo xasuus kale u galin, oo aan filayo inay maalintaa iyo maanta kala duwan yihiin, ee aan tan ugu muhimsan idiin kaga soo qabto, ee ahayd: “Dawladda Empagathi: Dalladda Qabqablayaasha!” liilkan hoose ayeyna ku lifaaqan tahay:

Dawladda Empagathi: Dalladda Qabqablayaasha!

Mudane Geeddi xiriirkii uu la lahaa Xabashida, ka sokow inuu Waddankooda degannaa, waxay wadada u xaaray in Xabashidii xilka ugu sarreeye Xukuumadda u dhiibaan, isna markii danbe Ciidamada Itoobiya soo galsho dalka. Taa oo aan dhihi karno waxay ka mid ahayd dadaallada Mudane Geeddi  ku xaqiijinayey danaha Itoobiya ee ay awalba u igmatay, sidaa awgeed, waa in Mudane Geeddi iyo intii kala qaybqaadatay XASUUQII KOOFURTA lagula xisaabtamo iyo wixii ka dhashay soo galitaanka Itoobiya soo gashay dalka, ee dhibaatooyin fara badan lahaa sida: dhac, boob iyo dumin hanti, kufsi iyo xasuuq dad.

Ha malayn arrinta u baahan in Mudane Geeddi wax laga weydiiyo inay tahay kaliya dambiyadii uu Aadanaha ka galay, waxaa jirta Malaayiin Dollar oo ku magacawnaa deeqo Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed loogu deeqay, balse, uu boobay intii uu ahaa Wasiirka koowaad, ee aan xilka laga qaadin. Eeddan anigu u jeedin maayo, ee waxay ku qoran tahay Buug ku sheegga la yiri waxaa qoray C/laahi Yuusuf in kasta oo uusan joojin xilli wax la qoro maskaxdeedna hayn, haddana, waa uun daliil kale oo sheegaya in raggii C/laahihi ka agdhawaa ay soo gudbinayaan oo aan iyaguba ka musuqmaasuq yarayn Geeddi.

Sidoo kale, C/laahi Yuusuf ayaa laga sheegay inuu yiri; “Aniga ayaad danayste ii taqaanniine, haddaad Cali Geeddi iyo Yuusuf Azhari arki lahaydeen maxaad samayn lahaydeen?!” la yiri: “Naarba Naarta kale ayey ka Cawdu billaysataa!”. Dhanka kale, Mudane Geeddi waa ninkii soo jeediyey in QAD CAGAARAN Muqdisho laga sameeyo, malaha kii hore yaa ku fillaa waayey?  Mise la illoobi karaa hadalkii ahaa: “Hala banneeyo inta u dhaxaysa Waxara Cadde ilaa Warshadda Taraqa iyo Sigaarka” in kasta oo ay aragtidaan sidoo kale la tooxnaayeen Salaad Cali Jeelle iyo Maxamed Maxamuud Guuleed “Gacma Dheere” haddana, isagaa ahaa Madaxa Xukumaadda Xerta Xabashida.

Midda kale ma ogtahay in Mudane Geeddi uu hay’adaha caalamiga ah  ee qaabilsan xoolaha Geeska Afrika jago sare laga siiyey Xabashinimadiisa awgeed, si loo cuuryaamiyo dhaqaalaha Somaalida oo xoolaha nool ay lafdhabar u yihiin. Mudane Geeddi wuxuu qoray warbixin uu ku qeexay in xoolaha Somaalidu ay qabaan cudurro halis ah, oo ay Xumadda Rift Valey ka mid tahay. Warbixinta Mudane Geeddi qoray waxay keentay in cunaqabateyn lagu soo rogo ganacsiga xoolaha Somaalida. Warbixinta Mudane Geeddi waxaa kaloo loogu dowgalay in xoolaha Soomaalida lagu dhoofiyo magaca Itoobiya.

GARCOON IYO GARKIISU ISKU GOGOL KUMAYSAN HOYAN!

GARCOON wuxuu ahaa nin safar aan ka bixin, oo socdaalkiisu badan yahay, mar Wadaadnimo ku baryootama, marna afmiishaarnimo wax ku raadsada, dadkana wax ku weydiista. Wuxuu sidaa ahaado, bulshadu waa isu warrantaaye, oo waata la yiri: “Marti badan iyo Bukto badan waa laysku nacaaye” ama “Damacaagu hadduu bato Macrifadaaduu waa yaraataaye” ninkii sheekadiisa ayaa la isgaarsiiyey, asna iskama warqaboo isma qabane caado uuba ka dhigtay in uu ku qaraabto masaafur ayaan ahay, waliba si daggan maahane, subaxdii aroortii ayuu cidaha ku soo dheelmadaa, asigoo afka laba taako ka dhigayo lehna: “Wuuw ar wuuw,  ar yaa Muslineheey oo carradaan iyo ciddaan jooga? Musaafur Allaan ahay, oo xalaan qaday ee nafta halaygu qabto!” wuxuu sidaa ahaado, GARCOON habeen habeennada ka mida ayuu waabarigii cid qeylodhaan la soo duljoogasaday, GARCOON waa caadadiise oo ceebtiisa maahee. Markaa ka dib ayaa waxaa ku soo baxay ciddii uu baryey odaygeedii: oo xaa ku heley? Weydiiye. Waa maxay qeylodhaantu?   GARCOON wuxuu la soo booday: “Walaal xalaan qaday,  naf iguma jirto!” Ninkii asagoo ereygii qoonsan, martinimadana tixgalinaya ayuu ku yiri: “bal fariiso, oo raashin u keenay” kolkii uu raashinka u geeyey, oo uu wiliba si xilkasnimo ku jirto iyo dareensiin uu u muujinayo doqonnimadiisa ku yiri: “kolleey garcoonoow adi iyo garkaagu isku meel kumaadnaan hoyan!” xaa yeelay badarkii uu xalay cunay iyo caanihii uu cabbay ayaa wali garkiisa ku duldhabooqan, oo xitaa ma uusan garriin tiran.

Soomaalidu waxey tiraahdaa: “fulay xantiisa ma moogo” Ama haddaan si kale u dhigo: “ninka ragga ahi xuuradiisa ma ogo kolkuu hurdaayo, balse, xantiisa ma mooga”. Hadda geeddi waa sida uu dhaqankiisu yehee asaga iyo garaadkiisu ama garashadiisu isku meel kuma hoyan.

Qormadan waxa igu riixay inaan qoro waa laba hadal oo Mudane Geeddi ka soo yeeray, mid waa inuuba inkiray inay xasuuq gaysteen isaga iyo Xertii Xabashida, taa oo ka dhigan inaan Xabashina wax dambi ah dadkan iyo dalkan ka galin, Dadkaygoow ujeedka hadalka Mudane Geeddi sidaa ma u garateen? Isagu is difaaci maayo, maadaama uu ogyahay inuu dambiile yahay, ee wuxuu difaacayaa waa DAAFILEEY, xaa yeelay isagu hadduu qirto inuu dambiile yahay, eedda iyo tuhunku wuxuu ku fidiyaa raggii ay isku ragga ahaayeen, ee soo dirsaday, marka si aan iyaga loogu gudbin loona gaarin waa inuu mayada ku dadaalaa, weydiintuse waa; ilaa intee ayey mayadan sii socon kartaa?.

Dhanka kale, horta Mudane Geeddi oo intaa falal gurracan ee laga naxo ama laga anfariiro gaystay, hadduu wali isla gar leeyahay oo u soo taagan yahay inuu magac iyo muunad Soomaali ku hadlo, ma dadkeenna ayaan wax garan [ILLOWSHA DHAWAA MA SOOMAALIYAA!] mise isaga Mudane Geeddi ah ayaan Wax garan? Warcelinta waxaan u daynayaa aqristehee, aan kuu sii jilciyo dhibka meesha uu ka jiro.

Mudane Geeddi inuu dambiile yahay waa is ogyahay, inuusan Soomaali soo dhex istaagi karinna waa og yahay, inuusan qaran qaabkii lahaynna waa qirsan yahay, balse, BAQTI NOOLAYSKU waa SAXAAFAD ku sheegga baas, oo nin karaahiya ah oo umaddu maankeeda ka jartay dib u soo xasuusinaya, xaa yeelay adigu adoo war iyo wacaal doonaa Mudane Geeddi iyo inta la midka ah war ma u doonan lahayd? Illeen war waxaa laga doonaa nin wax og, ogaalkana ku darsaday aqliye, haddiise aadan labadaba hayn warka lagaa doonaa waa dacar iyo uus warran.

Midda kale ee la yaabka ah waa in Mudane Geeddi yiri: “ma aqbalayno in Soomaali ay saddax nin xukumaan!” yaab, oo kaalay saddaxdan xaa u diidaya inay Soomaaliya xukumaan? Madaama aad mar laba ku xukumi jirteen, adiga Geediya iyo C/laahi Yuusuf? Iyagu waxay idin ku dhaamaan mar waa saddax, idinkuse laba ayaa ahayd, marka kale, idinku XERTA XABASHIDA ayaad tihiin, iyaguse maya inta la ogyahay, malaha waaba waxa aad ku colaadinee, marka kale, wali gacantooda iyo gartooda kuma daadan dhiig, idinkase waxaaba ku shaqeeya Wadnihiina oo haddaadnaan dhiig daadin malaha garaaca iyo shaqayntaba joojinaya!

Mudane Geeddi warkan wuxuu ka sheegay xaflad loo qabtay Maamul la yiri waxaa loo dhisay Deegaanka Jubba, ee ay xoogga iyo boobka ku haystaan Axmed Madoobe Ex Argagixiso iyo Ciidanka Kenya, weydiinta Mudane Geeddi u taali waa: inta aad ka dhex naanaalayn lahayd dad talo iyo tacab Kenya ku tiirsan adiga aaway taadii iyo tii tolkaa? Micnaha aaway deegaankii aad ku dhalatay ka soo jeedday reerkaagu deganaa? Weli yaa maqlay Mudane Geeddi oo Shabeellada Dhexe horumarkeeda iyo dhibaatooyinka shacabka haysta haba ugu darnaado Shabaabka weli jooga ka hadlaya? Haddii ay dhab ka tahay sheekadan uu maad dhulkaagii la aaddid, xaad Kenya iyo Jubbada ay dhisatay uga dhex qaaq leedahay sidii Orgi qabad ah? “Haddaadan sarriigan waxaad rabto dheh!”

Mudane Geeddi sida uu Muqdisho u galay haddii aadan la socon ama aad iska saabaysay halkan hoose fiiri bal, si aad u ogaato wax aadan ogayn ama aad ismoodsiin jirtay:

http://www.youtube.com/watch?v=j3rhwnlCWxs&feature=share

Qormada waxaan ku soo xirayaa xigmaddii Abwaan Xaaji Gabay Xaddi, ee ku caan baxday “Beerka ka ogsooni” waxayna tiri:

Bowdada markii aan ka jabay, boqonka taaggiisa

Habeenkiiba waa i bidhan lahaa, bahalkii cawlnaaye

Raggii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni

Bah-Cillaamo goortay dhammaan, iga dul booyaysey

Bah-Sadhaysna “baga”  inay i tidhi, beerka ka ogsooni

Ninkii Burunji inuu iga cuno, ii barriidinaayey

Ee aan bar kale ii tarayn, beerka ka ogsooni

Ninkii Belad shisheeye iga jiray, ee soo bixi waayey

Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni

Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu

Haddii uu biixiyaha Eebbahay, isugu kay beego

Abaal badh ah abaal bur ah abaal, bur iyo dheeraad ah

Ninba kiisa kaan ugu beddeli, beerka ka ogsooni.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
www.bilediraac.wordpress.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com