Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Marxuum Sheekh Cali Axmed Ashkir (Qote).

0

tacsi1INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN: Waxaa magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka Caawa oo at taariikhdu tahay (18/08/2013)  ku geeriyooday Allaha u naxariistee Sheekh Cali Axmed Ashkir (Qote) oo in mudaa xanuunsanayay.

Sheeka waxa uu ahaa Sheekh Caan ah oo si weyn looga yaqaanay gobolada dalka Soomaaliya iyo Dibada waxa uun ahaa qof alle siiyay Cilmi diiniya iyo dhoowrsanaan, waxa uuna ka mid ahaa dadka ay colaaduhu u diideen in ay ku nagadaan dalkoodii ay jeclayeen.

Waxa uu ifka kaga tagay caruur badan oo rag iyo dumar leh iyo ilmihii ay sii dhaleen waxana dib idinka soo gudbin donaa Tariikhda Sheekh Cali Axmed Ashkir (Qote) oo dhamaytiran hadii alle idmo.

Waxaa lagu wadaa in lagu aaso dalkeena Soomaaliya Hadii Alle qadaro.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com