Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inaanay Garanayn Sababta MSF Uga Baxday Somaliland

0

Wasiirka-qorshaynta-300x225Hargeysa(AGGM) Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay tallaabadii ay hay’adda caalamiga ah ee dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ee MSF kaga baxday dalka, taasi oo 14-kii bishan ku dhawaaqday in ay joojisay dhamaanba hawlihii ay ka haysay guud ahaanba Soomaaliya oo ay Somaliland-na ku jirto.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shirre oo xalay khadka telefoonka ugu waramayay wargeyska DAWAN isaga oo jooga magaalada Hargaysa ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabadaasi ay hay’ada MSF kaga baxday Somaliland isla markaana ay faraha kaga qaaday xarumihii caafimaad ee gacanta ku haysay oo uu ka mid ahaa cisbitaalka guud ee magaalada Burco oo ay muddo dheer gacanta ku haysay.

Dr. Sacad Cali Shirre, waxa uu sheegay in markii ay baxday hay’adda MSF ay ku wargelisay xukuumadda Somaliland bixitaankeeda balse aanay jirin wax cabasho ah oo ay hore hay’adaasi ugu soo gudbisay. Waxaanu tilmaamay wasiirku in muddadii ay ay hay’adaasi gacanta ku haysay cusbitaalka Burco ay wax badan ka qabatay. waxaanu yidhi “Way na wargelisay hay’adaasi MSF bixitaankeeda, aniga waxaa la ii keenay waraaqda doraad Arbacadii todobaadkii ina dhaafay ee ay bishu ahayd 14-ka, waxaanay na ogaysiiyeen markii ay baxeen, laakiin markii hore wax cabasho ah marnaba noogama ay iman hay’adaasi, bal se markii ay baxday ayay warqada noo keentay, oo ay yidhaahdeen waanu ka baxnay Soomaaliya dhulkii la odhan jiray oo dhan, oo aanu ka shaqaynaynay muddo (22) laba iyo labaatan sanadood ah. meelo badan ayaanu ka shaqaynaynay ayay yidhaahdeen, laakiin inta badan meelaha ay ka shaqaynayeen waxay u badan yihiin Koonfurta Soomaaliya, sida Muqdisho, Af-gooye, Dayniile, Bal-cad, Jawhar, Jilib, Kismaayo, Mareeray iyo Gaalkacayo. runtii waa nasiib darro arrinta ay ha’adu ku dhaqaaqday, inta aan ka war hayo xagga Somaliland waxay ka shaqaynaysay cusbitaalka magaalada Burco oo ay gacanta ku haysay, runtiina muddada ay gacanta ku haysay wax wayn ayay ka bedeshay cusbitaalkaasi. laakiin nasiib darro way inaga baxday hada hay’adaasi MSF”.

Wasiirka Qorshayntu waxa kale oo uu sheegay in cisbitaalka magaalada Burco ee ay hay’ada MSF hore gacanta ugu haysay uu daboolay dhamaanba wixii baahiyo caafimaad ahaa ee gobolada barriga Somaliland isla markaana ka bixitaankeedu uu hadda noqonayo kaalin wayn oo banaanaatay.Taasi oo ay buuxinteedu u taalo xukuumada Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee dalka jooga.

“Cisbitaalkaa ay gacanta ku haysay ee magaaladda Burco wuxuu inaga daboolay baahidii caafimaad ee goboladda barri ee dalka oo dhan, markaa imika runtii waxaa inagu soo banaanaatay kaalin wayn, taasi oo sidii loo buuxin lahaa ay u taalo dawlada, hay’adaha caalamiga ah iyo shicibkaba. Wasiirka caafimaadka ee Somaliland war-bixin ayuu nagu siiyay shirkii golaha wasiirrada ee khamiistii dhawayd aanu lahayn, wuxuu sheegay in hay’adaasi MSF ay ku bixin jirtay cisbitaalka Burco kharash gaadhaya qiyaastii illaa ($200, 000) laba boqol oo kun oo dollar ah” ayuu yidhi wasiirku.
Dr. Sacad Cali Shirre, waxa kale oo uu sheegay in aanay xukuumad ahaan si cad u fahmin sababta keentay in ay hay’adaasi Somaliland uga baxdo, isla markaana aanay wax lug ah ku lahayn sababta ay hay’adaasi MSF uga baxday dalka iyo dhibaatooyinka ay sheegtay in shaqaalaheeda loogu gaystay meelaha ay ka hawl gelayeen sidoo kalena aanay jirin wax dhibaato ah oo shaqaaleheeda loogu gaystay Somaliland ama aanay jirin cabasho hay’adaasi uga timid oo la xidhiidha dhibaato lagu hayo.

Isaga oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anagu runtii maanaan fahmin sababta ay u baxday hay’adaasi MSF, waxaanay ahayd mar haddii aanay jirin wax dhibaato ah oo ay Somaliland kala kulantay in ay marka hore digniin ina siiso, oo ay tidhaahdo muddo ayaan idin siinaynaa ee diyaarsada cid kale oo halkaasi idiin buuxisa, haddiiba ay baxayaan, ma wanaagsanayn in ay hay’adaasi dalka ka baxdo, laakiin dhibaatooyin badan ayay iyagu sheeganayaaan, wax allaale iyo wax dhibaato ah oo shaqaalaha hay’adaasi MSF loogu gaystay Somaliland muddadii ay joogtay oo aan ogahay ka ma jirto, cabasho ay noo soo gudbiyeena ma jirto”.

waxa kale oo uu wasiirku tilmaamay in dhibaatooyinka ay sheegtay hay’ada MSF in shaqaaleheeda loo gaystay ay ahayd in ay u kala saarto Somaliland iyo Soomaaliya, bal se talaadan ay hada qaaday ay u muuqato in ay ula dhaqantay sidii laba dal oo isku mid ah, isaga oo xusay in dhamaanba dhibaatooyinka ay hay’adaasi ku andacoonayso in shaqaaleheeda loo gaystay ay yihiin kuwo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.Waxaanu yidhi “Sida ay u baxday hay’adaasi MSF war-qadan la ii soo gudbiyay waxay kaga hadlaysaa Soomaaliya, laakiin meel ay Somaliland kaga qoran tahayba ma jirto, markaa waxay u muuqataa uun hay’adu go’aansatay arrintaasi in ay isku keen wada qaaday innaga iyo Soomaaliyaba dhamaanteenba,Wax lug ah oo aan ku leenahay bixitaankeeda hay’adaasi ma jiro, bal se waxaa ku lug lahaa ama sababay dhibaatooyin ay sheegtay in ay kala kulantay Koonfurta Soomaaliya”.

Wasiirka oo aanu waydiinay maadaama oo aanay warqada ay hay’adaasi u soo gudbisay Somaliland meelna aanu kaga qornayn magaca Somaliland sida uu wasiirku sheegay, in dhamaanba hay’adaha kale ee dalka joogaa iyagna ay Somaliland ula shaqeeyaan sida gobol Soomaaliya ka mid ah waxa uu ku jawabaabay “Maadaama oo aanay war-qadaasi inaga oo keliya inagu socon, waxay u muuqataa war-qad ku socotay maamulka Soomaaliya, markaa inaga ogaysiin ayuunbay ahayd. Maya ee hay’aduhu marka ay dalka yimaadaan way is-diiwaan geliyaan, oo waraaqaheena ayay isku diiwaan geliyaan oo magaca Somaliland ayay isku diiwaan geliyaan, hay’ad inta ay Xamar iska soo diiwaan geliso inaga toos inoola shaqaysaa ma jirto, dhamaantoodba magaca Somaliland ayay isku diiwaan geliyaan” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shirre.

Dr. Sacad Cali Shirre oo aanu sidoo kale waydiinay in haddiba ay dhacdo in mar kale hay’adaasi MSF ay Somaliladn u timaado hawlo shaqo waxa laga yeelayo, waxa uu ku jawaabay “Taasi haddii ay soo noqoto ayaa laga tashan doonaa, imikana sidaa lagagama hadhin ee wasaaradda caafimaadku qoraal cabasho ah ayay u gudbisay, kaasi oo ku saabsan sababta ay Somaliland uga baxday ama la xidhiidha dhibaatooyinka ay sheeganayso hay’adaasi in shaqaalahaeeda loo gaystay, kuwaasi oo aynaan wax eed ah ku lahayn,waxaanay arrintaasi u muuqataa in wax aynaan eed ku lahayn dhibaatadeedii ay hay’adasi dusha inaga saartay” ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shirre.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com