Gudoomiyaha Togdheer Oo Soo Kormeeray Goobaha Sahminta Shidaalka

0

Xamarje1Hargeysa(AGGM) Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji C/laahi Xamarje ayaa soo kormeeray deegaanka Naq-dhabiije ee laga waddo sahaminta shidaalka waxaana uu ka war bixiyay ujeedada uu u tegay deegaankaa laga waddo sahaminta shidaalka.

Axmed Cumar Xaaji C/laahi Xamarje waxa uu u xusay in ay meel fiican marayso sahaminta shidaalka ee laga wado deegaanka Naq-dhabiije waxana uu hoosta ka xariiqay inuu halkaas kula kulmay madaxdii shirkadda.

Axmed Cumar Xaaji C/laahi Xamarje oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxaan shalay kormeer ugu baxay halka hawshu ka socoto ee laga wado sahaminta batroolku oo runtii aan odhan karo hawl balaadhan iyo shaqo ayaa ka socota, waxaana ugu bushaaraynaa dadweynaha reer Somaliland in shaqadii sidii ugu habsamisamad ee ugu fiicnayd u socoto dhawaana ay bilaabmi doonto wajigii labaad ee danbe oo ah qaybtii shaqada sahaminta shidaalka ayuu yidhi Axmed Cumar Xaaji C/laahi Xamarje.

Dhinaca kale Mastar Xamarje waxa uu tilmaamay in uu halkaas uu u tagay madaar ay shirkaddu dhisanayso oo uu qiimayn ku soo samaynayay, waxaanu shacabka ugu baaqay in hadalada mala awaalka ee bulshada dhexdeeda yaala ay ka fogaadaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com