Gacan Ku Dhiigle Wariye Dilay Oo Maanta La Qisaasay (Sawiro)

0

DSC05685Muqdisho(AGGM) Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xakun dil ah ku fulisay gacan ku dhiiglihii dilka u geystey weriye Xasan Yusuf Absuge dabayaaqadii sannadkii hore.

Taarkkihdu markay ahayd 21-09-2012 abaaro 11:00 barqanimo edeeysane Shabaab Aadam Shiikh Cabdi Shiikh Xuseen ina saruuro ibraahim 24 jir ah ku dhashay xamar degan warta nabdda,wuxuu si bareer ah oo ula kac ah u dilay marxuum la oran jiray wariye Xasan Yuusuf Absuge.

Maalintii ay taariikhdu ahayd 17-03-2013 waxay maxkamada darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida u fariisatay dacwad ciqaabeedkii oo haysatay gacan ku dhiigle shabaab Aadan Shiikh Cabdi Xuseen waxayna ku xukuntay dil toogasho ah.

maalintii ay taariikhdu ahayd 25-03-2013 wuxuu ka qaatay xukunka racfaan.

maalintii ay taariikhdu ahayd 27-07-2013 waxay maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida  ay mar kale u fariisatay dacwad ciqaabeedkii loo haystay gacan ku dhiigle shabaab Aadan Shiikh Cabdi Shiikh Xuseen waxayna ku xukuntay dil toogasho ah.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 17-08-2013 waxay maxkamadu fulisay xukunkii dilka ahaa

Ugu dambeyntiigGacan ku dhiiglahan la dilay ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee lagu helo falalka dilka ah ee lagula kacayo weriyayaasha ka howlgalla dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC05685DSC05688DSC05699DSC05699DSC05703DSC05706DSC056981DSC05720DSC05727DSC056901