Dhageyso: Xukumadda Oo Deg Deg Uga Hadashay Dilkii Eng Axmed Shariif Loo Geystey Maanta

0

rw4-4Muqdisho(AGGM) Xukumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si deg deg ah uga hadashay dilkii maanta kooxda Alshabaab u geysteen farsamo yaqaan ka tirsana warbaahinta dawlada soomaaliya kaasi oo ay dilkiisa fuliyeen koox ku hubeysaneyd Bistolaado isla markaasna la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Cabdishakuur Cali Mire oo ah wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta dawladda federalaalka ah ee Soomaaliya oo saxafada maanta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay tacsi u dirayaan eheladdi iyo qarabaadii uu ka geeriiyooday Masuulkasi isagoo ku tilmaamay inuu ahaa nin wadani ah isla markaasna ka soo baxay shaqadiisa uu hayay shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa uu wasiirku daboolka ka qaaday in dawladda looga baahan yahay inay jawaab deg deg ah ka bixiso cidii ka dambeysay dilkii loo geystey Eng Axmed Shariif,waxan uu sheegay in dawladda looga fadhiyo inay qaado talaabo deg deg ah oo ay ku soo qabaneyso kooxihii dilkaasi fuliyey.

Dhinaca kale Agaasimaha Idaacadda Radio Muqdisho oo Cabdiraxiim Ciise Cadow oo saxafada la hadlay ayaa daboolka ka qaaday inaysan dilka Eng Axmed Shariif aysan u joogsan doonin shaqada warbaahinta Qaranka,waxaana uu sheegay inay sii laba laabi doonaan shaqadii uu hayay marxumkaasi.

Ugu dambeyntii hadalkan waxa uu imaanayaa xili saaka gudaha Magalaada Muqdisho gaar ahaan xaafada Shibis lagu toogtey Eng Axmed Shariif oo ahaa Masuul warbaahinta qaranka u qaabilsanaa dhinaca injineernimadda isla markaasna ahaan nin shaqadiisa ka adkaa ugana soo baxay sidii la rabay.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/08/DHAGEYSO-WASIIR-KU-XIGEENKA-WASAARADA-WARFAAFUINTA-OO-KA-HADLAY-DILKA-LOO-GEESTAY-ENG-SHARIIF.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com