Dhageyso: Wasiirka Warfaafinta oo ka Tacsiyeyay Dilkii Allaha u Naxariistee Eng Axmed Shariif

0

ciilmooge-duhur_com_1Muqdisho(AGGM) naa lilaahi wa inaa ilahyi Raajicuun Wasiirka warfaafinta,isgaarsiinta iyo gaadiidka C/llahi Ciilmooge Xirsi oo howlo shaqo ku joogo dalka Kenya ayaa geeri naxdin leh ku tilmaamay dilkii allaha u naxariistee Eng Axmed Shariif Xuseen oo saaka kooxo hubeysan ay ku dileen gurigiisa oo ku yaala degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Wasiir Ciilmooge ayaa uga tacsiyeyay geerida Axmed Shariif qoyskiisa iyo dhamaan shaqaalaha wasaarada warfaafinta,isagoo sheegay in uu ka mid ahaa shaqaalaha laf dhabarta u ahaa wasaarada.

“Cadawga Axmed oo kala dila qaran qaran dumis waana cadow soomaaliyeed,gacan ka xaq daran ayaa dishay,waxana dagaal nagula jiro dad soomaali diid ah oo nabad diid ah” ayuu yiri wasiirka

Wasiirka ayaa marxuumka alle uga baryay in uu janadii ka waraabiyo qoyskii uu ka tagayna samir imaan ilaah ka siiyo.

Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta oo Dhameystiran

[ca_audio url=”http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2013/08/Codka-Wasiirka-Warfaafinta-Cabdullaahi-Ciilmooge-Xirsi-.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com