Axmed Shariif Xuseen oo ahaa Eng Warbaahinta Qaranka oo Hadda Lagu Toogtey Degmada Shibis

0

deg-deg-muhiim19Muqdisho(AGGM) Kooxo ku hubeeysan bistoolado ayaa maanta degmada shibis ee gobolka Banaadir ku dilay Allaha u naxariistee Axmed Shariif Xuseen oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.

Allaha u naxariistee Axmed Shariif Xuseen oo ahaa Eng guud ee farsamada idaacada radio muqdisho iyo SNTV ayaa la dilay xili uu ka soo baxayay gurigiisa kuna soo jeeday shaqada.

Axmed Shariif ayaa dhaawac ahaan lagu geeyay isbitaalka halkaasi oo uu ku geeriyooday sida uu Allgalgaduud u xaqiijiyay agaasimaha radio muqdisho Shiikh C/raxiim Ciise Cadow.

Allaha u naxariistee Eng Axmed Shariif Xuseen oo horoy uga soo shaqeeyay idaacadii hornafrika iyo idaacado kale oo ku yaala gudaha dalka ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada muqdisho

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com