Agaasime Warbaahinta Qaranka oo ka Tacsiyeyay Dilka Eng Axmed Shariif

0

DSC03662-150x150Muqdisho(AGGM)  Inaa lilaali wa inaa ilahyi raajicuun Agaasimaha warbaahinta qaranka C/raxmaan Yuusuf Shiikh Al-cadaalada ayaa ka tacsiyeeyay geerida allaha u naxariisto walaalkeen Eng Axmed Shariif Xuseen oo saaka kooxo hubeeysan ay ku dileen degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

“Axmed Shariif waxa uu ahaa nin aad u aqoon badan oo ka mid ah dadka kooban ee wadanka laga heli karo oo aqoontoodu aadka u diyaarsantahay”ayuu yiri agaasime cadaala

 

Agaasimaha warbaahinta ayaa sheegay in Eng Axmed Shariif uu ahaa madaxa guud ee farsamada warbaahinta qaranka,isagoo sidoo kale caawin jiray warbaahinada kale ee ku yaala gudaha muqdisho iyo gobollada dalka,takhasuskiisuna uu ahaa rakibtaanka idaacadaha iyo fariisintooda,waxaa kale ee uu ahaa makaanig dhanka matoorada ah iyo dab yaqaan.

 

Agaasimaha intaasi ku daray in allaha u naxariistee Eng Axmed Shariif uu ka mid ahaa shaqaalaha mudada dheer ka shaqeynayay radio muqdisho ka hor xiligii burburka iyo markii dib loo kiciyay idaacada intaba,isagoo sidoo kale horoy uga soo shaqeeyay una soo caawiyay inta badan idaacadaha ku yaala magaalada muqdisho iyo gobollada dalka.

 

Agaasimaha warbaahinta qaranka C/raxmaan yuusuf Shiikh Al-cadaala ayaa cambaareyay dilka allaha u naxariistee Eng Axmed Shariif ugana tacsiyeyay geeridiisa qoyskii uu ka baxay iyo dhamaan shaqaalaha wasaarada warfaafinta.

 

Agaasime Cadaala ayaa sheegay in ay sii socon doonto howsha ay shaqaalaha wasarada warfaafintu  ummadda soomaaliyeed iyo qaranka islamarkaana aysan niyad jabin doonin falalka lagu doonayo in looga waceeyo howsha ay u hayaan ummadda soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com