Maamulka Dowladda Soomaaliya Ee Magaalada Caabudwaaq Oo Sheegay In Barakacayaal Gaarya 1,600 Oo Qooys Dawo Loo Qeybinayo.

0

caabudwaaqCaabudwaaq (AGGM): Maamulka dowladda Soomaaliya ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa ka warbixiyay qalab iyo dawo dhowaan lagu wado in ay hay’adda badbaadada carruurta ee Save The Children u qeybiso dad soo barakacay oo ku nool xeryaha ku yaalla degmadaasi iyo qaar ka tirsan deegaanka.

Madaxa arrimaha bulshada ee maamulka degmada Caabudwaaq Khaliif Cabdisamad Cali, oo wareysi siiyay Warbaahinta ayaa sheegay in ay haatan socoto diiwaangelinta dadka loogu talagalay in ay ka faa’ideystaan deeqda.

Khaliif wuxuu sheegay in kun iyo lix boqol (1,600) oo qoys oo isugu jira dad soo barakacay iyo dadka deegaanka dhowaan loo qeybin doono deeqda oo ka kooban dawada biyaha lagu darsado, maro kaneecooyin loogu talagalay haweenka uurka leh iyo qalab kale oo looga faa’ideysan doono caafimaadka iyo nadaafadda.

Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ayuu u soo jeediyay inay dadka deegaanka ka caawiyaan dhinacyada cunnada, waxbarashada iyo caafimaadka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com