Alshabaab Oo Maydad Badan Kaga Cararay Degaanka Mareer Ee Gobolka Galgaduud (Sawiro)

0

SAWIRADA-ALSHABAAB-11Caabudwaaq(AGGM) Ka dib dagaalo culus oo maalmihi la soo dhaafay ka dhacayey degaano ka tirsan gobolka Galgaduud waxaa dagaaladaasi sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray ciidamada Ahlusuna waljameeca iyo kooxda Alshabaab,waxaana dagaaladaasi lagu dilay ciidamo badan oo ka tirsan Falaagada Alshabaab.

Kooxda Alshabaab waxay weerar culus ku qaadeen dadka xoolo dhaqato oo ku sugnaa degaanka Mareer oo Magaalada Dhusamareeb u jirta 60 km,waxana halkaasi ka dhacay dagaal aad loogu hoobtey isla markaasna sababay in Alshabaab halkaasi kaga cararaan maydad badan oo isugu jira Ajaaniib iyo soomaali.

Sidoo kale waxaa la sheegaya in halkaasi ay ku qabsadeen dadka shacabka ah hub iyo sanaad ay lahayeen kooxda Alshabaab,waxaana wararku sheegayaan in dadka degaanka ay u soo gurmadeen ciidamo ka tirsan Ahlusuna waljameeca oo halkaasi ak agdhawaa,waxaana la sheegaya in dagaalkaasi ka dhashay dagaal culus.

Maydadkan Alshabaab meesha kaga carareen ayaa la sheegaya inay ku jiraan dhawr ajaaniib ah kuwaasi oo la aaminsan yahay inay ka soo jeedaan wadamada carabta iyo Reer Galbeedka kuwaasi oo ka mid ahaa kooxaha u soo jihaadka tagey wadamadoodi isla markaasna dhibaatada ka wada gudaha dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii ma jiraan wax wara oo wali ka soo baxay Falaagada Alshabaab isla markaasna ku aadan jabka ka soo gaarey ciidamadooda dagaalka ay la galeen dadka degaanka iyo Ciidamada Maamulka Ahlusuna waljameeca ee gobollada dhexe ee soomaaliya.

SAWIRADA-ALSHABAAB-2SAWIRADA-ALSHABAAB-11