Ahlu Sunna Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaantay Go’aankii MSF.

0

sheekh ibraahimCaabudwaaq (AGGM): Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aankii ay ku dhawaaqday hay’adda MSF oo ahaa in ay joojinayso howlihii ay ka wadday Soomaaliya.

Guddoomiyaha Saddexda Gole ee maamulka Ahlu Sunna Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye ayaa Warbaahinta u sheegay in go’aanka MSF uu yahay mid laga naxo, maadaama aysan habbooneyn in waqtigan ay hay’addu  joojiso howlaheeda.

Wuxuu sheegay in tallaabadan ay saameynta ugu badan ku yeelanayso dadka danyarta ah ee ka faa’iidaysan jiray howlaha isugu jira gargaarka iyo caafimaadka ee ay hay’addu ka wadday Soomaaliya.

Sheekh Guureeye ayaa ka codsaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay jawaab degdeg ah ka bixiso go’aanka hay’adda, si loo badbaadiyo dadka u baahan kaalmada bini’aadannimo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulkooda uu diyaar u yahay sugidda ammaanka mas’uuliyiinta hay’adaha samafalka ee ka howlgalla gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com