War-saxaafadeed:Golaha Wasiirada Oo Maanta Ka Hadlay Go’aanka MSF Iyo Qodobo Kale.

0

IMG_7497Muqdisho (AGGM): Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen go’aankii hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn MSF iyo eedeynta la xariirta fal kufsi ah oo gabar Soomaaliyeed sheegtay in loogu geystay Xerada Maslax ee duleedka Muqdisho.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyntii ka dooday xaaladda amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, waxaana goluhu ay warbixin ka dhegeysteen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, isaga oo xusay in todobaadkii ugu dambeeyey xaaladdu magaaladu ay aheyd mid degan isla markaana ciidamada amniga ay gacanta ku soo dhigeen 17 Unug oo ka tirsan kooxaha nabadiidka ah ee Shabaab, kuwaasoo khalkhal gelinayay amniga shacabka, wuxuuna xusay in hay’adduhu ay weli si adag ula tacaalayaan xaqiijinta iyo sugida amniga.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale, ka dooday go’aanka hay’adda dhaqaatiirta aan xaduuda laheyn ee MSF, kaasoo ay ku sheegtay in 16-ka bishan August ay joojineyso dhamaamba adeegyadii ay ka fulin jirtay gebi ahaan gobolada dalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Adeega Bulshada Drs. Maryam Khaasim ayaa gabagabada shirka golaha kadib, waxay warbaahinta u sheegtay in golaha Wasiiradu ay ka codsadeen hay’adda MSF in sii wado adeegyadii kala duwanaa ee ay ka fulineysay dalka, waxayna xustay in dawladdu ay aad uga walaacsan tahay go’aankan oo qatar ku ah kumamaan shacabka taagta daran ee Soomaaliyeed.

“Go’aanka hay’adda MSF aadban uga xunahay waxaana ka codsaneynaa inay ka noqdaan go’aankooda iyaga oo eegaya dhibaatada ballaaran oo ka dhalankarta ka bixida Soomaaliya iyo joojinta gargaarka” ayay tiri Drs. Maryam Khaasim oo intaasi sii raacisay “Go’aankan wuxuu si gaar ah u saameynayaa caruurta iyo haweenka Soomaaliyeed ee ka faa’iideysan jiray howlaha caafimaad iyo gargaar ee MSF”.

Drs. Maryam Khaasim ayaa xustay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay muhiimada koowaad siineyso illaalinta hay’addaha ka howlgala dalka ee ku howlan caawimaada shacabka Soomaaliyeed, waxayna si gaar ah ugu ammaantay hay’adda MSF sida ay ugu soo dhabar adeygtay xaaladdii adkeyd ee mudadii 22-ka sano.

Dhanka kale, Afhayeenka Xukuumada ayaa Saxaafada u faah faahiyay eedeynta la xariirta fal kufsi ah oo ay sheegtay gabar Soomaaliyeed inay u geysteen ciidamo ka tirsan kuwa nabad illaalinta ee AMISOM, kuna sugan Xerada Maslax ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in golaha Wasiiradu ay ka doodeen arrintan loona saaray guddi soo baara dhacdadan foosha xun.

“Dawladda Soomaaliyeed marna uma dul qaadaneyso falal lid ku ah xaquuqda aadanaha, gaar ahaana kufsiga iyo tacadiyada kale ee loo geysto dadka taagta daran, sharciga ayaana la tiigsan doonaa cid kasta oo lugyeelata” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon mar uu ka hadlayay kulanka golaha Wasiirada.

IMG_7497

IMG_7523 IMG_7512

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com