Muqdisho(AGGM) Ra’iisal wasaaraha Xukumada Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dowladooda kala shaqeeyaan horumarka guud ee dalka oo uu amaanka ugu horeeyo.
R/wasaare Saacud ayaa markale ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed iney u midoobaan la dagaalanka kooxda nabad diidka ah ee Shabaab, isagoo ku booriyay iney meel uga soo wada jeestaan cid walba oo ka soo horjeeda horumarka Soomaaliya.
Sidoo kale R/wasraha ayaa hoosta ka xariiqay in Alshabaab aysan marnaba ogoleyn horumarka ay hiigsaneyso dowlada Soomaaliya, si taasi loo gaarana ay lagama maarmaan tahay ayuu yiri in dadka Soomaaliyeed ay garowsadaan sidii dalkoo dhan looga sifeyn lahaa kooxda Alshabaab.
‘’Hadaan dowlada dadku garab istaagin ma soconeyso cadowga koobaad ee maanta Soomaaliya gudaheeda lagula dagaalamayo inta aan sheegeeynana ka soo horjeeda waa Alshabaab’’ ayuu yiri R/wasaare Saacid.
R/wasaare Saacid ayaa ku celceliyay in Shabaab aysan ogoleyn dowladnimada Soomaaliya iyo dib u soo kabashadeeda, isagoo xusay in hadaan loo wadajirina aan guul deg deg ah laga soo hoyn Karin.
‘’Abbiil rasmiyahaan ummaddeena usameynhaya in dowlada lagu garab istaago dadaalka sifeynta dalka si ay noogu fududaato dib u dhiska dalku’’ ayuu yiri R/wasaare Saacid.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com
Baaqa R/wasaaraha ayaa imaanaya xilli hey’adaha ammaanka dowladu ay dardar geliyeen howlgallada lagu soo celinayo ammaanka caasimadda.