Qof Diir Soomaaliyeed Leh Laakiin Uur Shisheeye Leh Dalka Uga Cabso! W/Q: Hussein Qurac

0

the-greater-somaliaDawladii ugu awooda iyo saamaynta badnayd ee Soommali ay abid yeelato waxaa lagu dumiyay hub ay dawladaha daris ka ah ay ku soo hubeeyeen dad diir soomaaliyeed lahaa lakiin uurka shisheeye ka ahaa, ama dano shisheeye fulinayay ha ogaayeen ama yaysan ogaane.

Kuwii ka danbeeyay ee kumeel gaarka ahaana waxaa afka ciida ugalinayay mar walba dad ay dawladaha dariska Soomaaliya la ahi soo abaabuleen ciidan ahaan ama siyaasad ahaan. Nasiib daro Soomaali badan oo ku hawlan siyaasadda, ganacsiga, tacliinta, saxaafadda, dacwada diinta! iyo arimaha bulshada dalka ayaa ku shaqeeya hirgalinta danaha iyo damaca dawladaha dariska Soomaaliya la ah.

Arintani iskama iman ee dawladahani waxay ku bixiyeen juhdi badan, waxayna galiyeen wakhti dheer helidda iyo carbinta dadka aan horay ku soosheegay. Waxaa kamid ah qaababka ay u diyaariyaan una abuurtaan dadkaas:

  • In ay siiyaan sharciyo ayaga iyo qoysas kooda (Citizenship).
  • In ay u abuuraan Fursado ganacsi (Entrepreneurship)
  • In ay siiyaan fursado waxbarasho (Scholarship)
  • In ay xiraan, hadana xabsiga ku dhaqan celiyaan (Rehabilitation)
  • In ay ubalan qaadaan fulinta dano shaqsi iyo mid qabiil (Promise)

Akhriste kafilo dadkaas aan kuu sheegay in ay kujiraan qaybahaas bulshada Soomaaliyeed aad muhiimka ugu ah. Ha iga filan in aan kuusheego magacya dooda sababtoo ah dad baa oranaya “ halyayganaga baa loo jeedaa” lakiin waxaan kuu sheegi karaa tilmaamahooda ee iska ilaali wadankana ka ilaali.

  • In uu mar walba difaaco dawladaha dariska ah iyo danahooda, meeshuu danta Soomaaliya difaaci lahaa
  • In uu danta qaranka Soomaaliya uu ka hormariyo danta dawladaha dariska markay iska horyimaadan, ha ahaato xagga amniga ama hor u marka kale
  • In uu amaano dawladahaas, abaal in ay dalka kuleeyihiina aad ugu doodo, dafirana in ay marnaba wax dhib ah noo gaysteen ama ay hada nagu hayaan.
  • Taariikh nonoleedkiisa fiiri in uu danahaas aan soosheegay ku haysto wadamadaas, qofka noocaas ah ilgaar ah kufiiri.
  • In uu marwalba yiraahdo “ wadamada aan walaalaha iyo saaxiibka nahay” kuma ekaysto aalaaba in uu dhaho wadamada dariska ah.
  • Faragalitooda Soomaliya ugu cudurdaaro maadaama qaxooti Soomaliyeed kunoolyihiin, ganacsina laguhaysto. Iskana indhatiro cidda qoxiitiga sababtay iyo faaiimada wadamadu kahelaan ganacsiga lagu dhex haysto (canshuur)
  • Kenya way ufiican tahay dacwada iyo qamiiska wadaadadu xirtaan oo loogaliyo madaxda Kenya ee dambiila yaasha ah ayaduna waa calaamadooda.

Taariikhdu waxay na baraysaa in dadka dalkale lagu beertaa ay xitaa dalkaas oo dhan soo gacan galinkaraan. Hawaii waa State kamid ah State yada USA. Laakiin jasiiradaasi waxay ahaan jirtay wadan madax banaan oo waliba boqortoyo ah. Waxaa mar boqorad ka ahayd gabar la oran jiray Queen Liliuokalani waxayna dhaxalka lawareegtay sanadkii 1891 dii. Sikooban hadaan u dhoho, jasiiradaas in ay maraykan kamid noqoto waxaa sabab u noqday dadkii lagu dhex beertay. Marka akhriste dadkaas nalagu dhex beertay oogow in dantaas oo kale laga leeyahay ayna ku shaqaynayaan.

Wadamada caalamka qaarbaan ogolayn in qof wadankale dhalashadiisa haysta uu madaxwayne  kanoqdo. Tusaale dhaw wadanka Masar waxaa loo diiday in uu madaxtinimo utartamo Hazem Abu Ismail  maxaa yeelay hooyadiis iskadaa asagee, oo dhimatay baa dhalasho maraykan ah haysatay, wadan keenana nin aan wadan shisheeye dhalashadiisa haysan maba hawaysto in uu madax kanoqdo Soomaaliya.

Waxaan ka cabsi qabaa mardhaw in nin ama naag wadamada dariska ah qof madax ka ahi qabo uu madax wayne looga dhigo wadanka, kadibna si toos ah talada wadanka ay ulawareegaan. Akriste filo arintaas hadaan is badal dhaw imaan.

Taariikhda caalamka way kadhacday qof wadan xukuma intuu qof wadankale xukuma guursaday labadii xukun iskudarsaday, khaas ahaan boqoradii yurub katalinjiray sida baqoradii ingiriiska iyo wadamo yurubta kale ah. Sida Alexander the great oo guursaday Roxana iyo Amiiradii Persia Stateira oo uu dhalay baqorkii la oranjiray Darius lll. waxaa kaloo tusaale u ah nabiyulaahi Sulaymaan iyo hawaynaydii Balqiis ahayd kadib markay muslimtay.

Dulucda iyo murtidu waxaweeye Akhriste in aan muujiyo qatarta ay leedahay qof diirka soomaalida leh matoor wadan kalana saaranyahay qatarta uu leeyahay iyo waliba dhibta uu wadanka horay ugu gaystay.

Dadka wadaniyiinta ah waxaa lagu yaqaan in ay iska ilaaliyaan wadankana ka ilaaliyaan dibin daabyada wadamada dariska ah. ka fogaadaan in ay u isticmaalaan danahooda guracan.

Tusaale wanaagsan waxaa ah, markii uu dhawaan Nairobi kadhacayay shirkii qiyaano qaran ee ay Kenya abaabushay ayna ka qaybgaleen raiisul wasaarayaal hore iyo dad kalaba, waxay ku marti qaadeen nin raiisul wasaarayaashii hore kamid ah. Wuu ka bad baaday dabinka saaxiibadiis ku dhaceen, maxaa yeelay waxuu aaminsan yahay in dawladaha darisku ay wadanka duminayaan wax kasta oo ay wadaana ay dantaas ka leeyihiin.

Wuxuu kuyiri, hadii shirka dan Soomaaliyeed laga leeyahay, marka hore kuqabta wadanka gudihiisa ama wadan kale oo aan kuwa dariska ahayn, waa marka labaade hadaad dawlada kusaxaysaan ayadana kumartiqaada si ay uga jawaabto dhaleecayta loojeedinayo. Hadii labadaas aad diidaan anigu kamaqayb galayo soomaliya dan uma aha. Labadii shardi way diideen riisul wasaarahaasna kama qayb galin. Akhristoow ufiirso sida wadaniga dalka jecel uga xikmad badanyahay khaainu wadanka magaca iyo xukunka jecel ee shisheeyaha u adeega.

W/Q: Hussein Qurac

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com