Jeneraal Qaybdiid Oo Shacabka Ugu Baaqay Inay Nabadda Ka Shaqeyaan.

0

Qaybdiis7212 (1)Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sheegey in ay diyaar u yihiin ka maamul ahaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen nabadaynta dalka iyo wax kasta oo horumar u horseedi kara shacabka Soomaaliyeed.

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid madaxweynaha Gamudug oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay xuska sanadguuradii Todobaad ee maamulkaasi ayaa sheegay in maamulkiisu uu mar kasta diyaar u yahay ka qeybqaadashada nabada ayna wadahadal la furayaan cid kasta oo loo arko iney waddo danaha ummadda Soomaaliyeed.

‘’Soomaali waa iney isku duubnaataa anaga Galmudag waxaan rabnaa cid kasta inaan la heshiino diyaarbaan u nahay,  gacmahaan kusoo dhaweeyneynaa,  waxaan rabnaa Soomaaliya,  la ogaayay cidna lagama maarmo,  war gacan maroorsi ma jiro,  war afxumo lagu dararimahayo, waxaan rabnaa inaan is ogolaano, Dastuurka la dhigtayna loo wada hoggaansamo’’ Ayuu yiri Cabdi Qeybdiid madaxweynaha Galmudug.

Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka Galmudug iney taageeraan oo ay hormuud ka noqdaan dadaallada lagu nabadeynayo ummadda walalaha ah ee ku wada nool gobollada dhexe iyo sidii maamul mid ah loogu sameyn lahaa.

Hadalka madaxweynaha Galmudug Cobdi Qeybdiid ayaa kusoo beegmaya xilli deegaanada hoos yimada maamulka Galmudug ay ka soconayaan munaasabado loogu dabaaldegayo sanadguuradii Todobaad ee kasoo wareegtay aas’aaska maamulka Galmudug.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com