Galgaduud: Shacab & Shabaab Ku Dagaalamay Oo Kala Adkaaday

0

Magaalada-BaydhaboMuqdisho(AGGM) Dagaal qasaare geeystay oo u dhaxeeya maleeshiyaadka Al-shabaab iyo dadka ku dhaqan deegaanka Mareer oo qiyaastii 60km dhinaca koonfur bari ka xiga degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa maanta halkaasi ka dhacay.

Dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa iska difaacay weerar handadaad ah oo uga yimid dhanka maleeshiyadka kooxda Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii ay maleeshiyaadka Al-shabaab ay xoolo baad ah weeydiisteen dadka deegaankaasi ku dhaqan dadkana ay diideen in ay bixiyeen xoolahaasi.arrintuna ay isku badashay gacan hadal dhaliyay qasaaro isugu jira dhimasho dhaawac soo gaaray maleeshiyaadka,ka dib markii dadkii deegaanka ay ka itaal roonaadeen maleeshiyaadkii Al-shabaab.

Xasan Daahir Shiikh Ciise oo ah guddoomiyaha deegaanka Ceelgaras ayaa saxafadda u sheegay sida ay deegaanka Mareer wax uga dhaceen iyo qasaaraha soo gaaray maleeshiyaadka kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab oo weerar gardaro ah ku soo qaaday dadka ku nool deegaankaasi.

“ka dib markii maleeshiyaadka ay burbureen oo ay dhaqaalo waayeen ayey bilaabeen inay dhacaan xoolaha dadweeynaha,iyagoo soo weeraray dadka deegaanka Mareer si ay u qaataan xoolahooda,dadkiina weey is abaabuleen weyna iska difaaceen”ayuu yiri guddoomiyaha

Xasan Daahir Shiikh Ciise ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dhinteen ilaa 13 ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay kacsantahay xaalada deegaanka Mareer waxana uu ka codsaday dowlada soomaaliya in ay gacan siiso dadka deegaankaasi oo go,aansaday in la dagaalamaan oo ay iska dul qaadaan maleeshiyaadka Al-shabaab oo u soo jeestay dhaca xoolahooda.

Ugu dambeyntii maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waxa ay wadeen in ay dhibaatooyin isugu jira dilal iyo dhaca xoolaha waxa ay ka wadeen deegaanada fara ku tiriska ah oo ay kaga suganyihiin gobolka Galgaduud.