Danjiraha Cusub oo ay Dowlada Maraykanka u soo Magacawday Soomaaliya oo Maanta Shaqadiisa Bilaabay

0

James-P.-McAnulty1-150x150London(AGGM) Danjiraha gaarka ah oo ay dowlada maraykanka u soo magacaawday soomaaliya James P. McAnulty ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14 Augusto si rasmi ah ula wareegay howshiisa ah sarkaalka sare ee dhinaca siyaasada dowlada maraykanka u qaabilsan soomaaliya.

Mr. McAnulty ayaa soo galay shaqada siyaasada arrimaha dibedda ee dalka maraykanka bishii October 1983,waxana uu horoy u soo noqday safiir dowlada maraykanka u fadhiyay magaalooyinka Caracas ee caasimada dalka Venezuela, magaalada Mexico City ee caasimadda dalka Mexico magaalada Nassau ee dalka Bahamas,magaalada San Jose ee dalka Costa Rica magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ,magaalada Brussels ee caasimada dalka Belgium oo uu ka soo noqday safiirka dowlada maraykanka u qaabilsan midowga yurub.

Mr. McAnulty ayaa dhawanahan ahaa qunsulka dowlada maraykanka u fadhiya magaalada Abuja ee dalka Nigeriya oo uu ka ahaa qunsulka arrimaha siyaasada.

Mr. McAnulty ayaa helay sanadkii 2012da abaal marinta Warren Christopher Award oo ku muteeystay dadaalkiisii dheeriga ahaa oo uu ka geeystay arrimaha caalamka iyo shaqadiisii ahayd u hadlidda qaxootiga waqtigii uu ahaa isku xiraha qaxootiga gobolka ee safaarada maraykanka ee caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Mr. McAnulty ayaa horoy u helay ilaa afar abaalmarin sharafeed oo ay ugu danbeeysay mid uu helay bishii May ee sanadkii 2012da, iyo bilad sharafeedkaa Meritorious Honor Award.

Intii uusan soo galin shaqada arrimaha dibedda ee dowlada maraykanka ayaa Mr. McAnulty waxa uu sanadkii 1977dii soo qaatay shahaadad a Bachelor of Science degree,waxana uu tababar dhanka ciidamada cirka ah ku soo qaatay saldhiga tababarka ciidamada cirka ee dowlada maraykanka oo ku yaala Colorado Springs, Colorado.

Mr. McAnulty ayaa horoy u soo noqday sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada cirka ee dowlada maraykanka waxana uu ka soo shaqeeyay San Angelo, Texas; Berlin, Germany; the Republic of Korea; and Arlington, Virginia.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com