Ciidamada Kiiniya Oo Qaraxyo Kala Duwan Lagula Eegtey Gobolka Gedo

0

DADKismaayo(AGGM) Kulan saraakiil ciidamada dawlada kiiniya ee ku sugan gobolka Gedo iyo Saraakiil Soomali ahi ku lahayeen degaanka Busaar ee gobolka Gedo ayaa la sheegayaa in lagu kala cararay ka dib markii qarax aad u xoogan uu ka dhacay halkaais,waxaana la sheegaya in qaraxaasi sababay khasaare ka dhashay.

kulankan ayaa ahaa mid looga hadlayey xaaladaha degaanada ay kaga sugan yihiin ciidamada dawlada kiiniya gobolka Gedo,waxaana halkaasi ku kulansana saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka ee gobolka Gedo,waxaana la sheegay intii uusan kulankaasi bilaabin in qarax xoogan ka dhacay goobta lagu waday inuu shirku ka qabsoomo.

Sidoo kale waxaa jira qarax kale oo maanta isla degaanka Busaar lagula eegtey Gaari booyad ah oo biyo u waday ciidamada dawlada kiiniya,waxaana la xaqiijinayaa in  qaraxaasi uu sababay inuu gaarigasi burburo isla markaasna khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh soo gaaro ciidamadii saarnaa booyadaasi.

Qaraxan ka dhacay goobta shirka lagu qaban lahaa ayaa la sheegaya inuu sababay khasaare inkastoo aan la xaqiijin inta khasaaruhu leeg yahay isla markaasna ay ciidamada dawlada kiiniya halkaasi ka qabteen isweer isla markaasna gawaaridooda dhaawacu halkaasi timi,waxaana wararka qaarkood sheegayan inaysan saraakishii soomaalida ahaa wax dhibaato ahi ka soo gaarin qaraxaasi.

Ugu dambeyntii qaraxan hore ee ka dhacay goobta shirka loogu tallo galay ayaa la sheegay inuu ahaa mid hore meesha loo sii galiyey iyadoo kan kale ee gaariga booyada ah lala beegsaday uu ahaa  mid isna dhulka la sii galiyey isla markaasna lala damacsanaa in waxyeelo ka soo gaarto ciidamada dawlada iyo kiiniya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com