Allow Maloo Darsadey Gen. C/Qadir Sheekh Cali Diini Iyo Gen. C/kariim Yuusuf Dhago- badan.

0

Diini iyo DhagobadanDowlad walba oo cusub isla markaana aan horey u soo qaban Maamul sare wax yaabaha ugu horeeya oo ay ku qaldanto waxaa ugu  daran Amniga iyo Sharciga. Waxaa la oran karaan taas waxay shaki galin kartaa jiritaan keeda iyo in ay hesho kalsooni waafiya, waxaana suuro gal noqon karta in nin walba meesha uu joogo ka bilaabo dagaal aan jogsan oo lala kaashado wadamo diyaar u ah bur- burin Dowlad kasta oo Soomaaliya ka dhalata.

Hadii aan Dib ugu laabto Taliyihii xooga Dalka iyo Amaan Duulihi waxay soo Mareen Mar xalado ay Naftooda halis badan iyo qaarajin  badan uga bad-baadeen toodii oo aan galin iyo ayaga oo isku dhaar sadey sidii Dalkooda iyo Shacab kooda u bad-baadin la haayeen laakiin abaal gud koodii Wuxuu noqdey ku meel gaar ayaad ku fiican tihiin ee Qaran rasmi ah ma astaa hishaan waxaa taasi marag u ah sida loo siin waayey Waqti hal sano ah oo kuwa badalaya loo maga caabo jagooyinka ka hooseeya si ay u arkaan ama u bartaan shaqada qaabka ay u socoto.

Hase ahaatee taasi ma dhicin mana dhihi karno Madaxda cusub iyo la taliyaa shooda way garan waayeen habka ugu quman balse waxaan dhihi karnaa waa ay ugu talo galeen, ha ugu talo galeena maxaa badaley kuwii kale oo ayagana guulaha keeney oo aan ka liidan kuwa aan kor ku soo sheegney.

Xaqiiqda jirtaa waxaa muuqata wax aan indhaha laga qarsan karin oo ku aadan arimaha Amniga oo aad loo hadal hayo Sida shacabku ay u niyad jabsan yihiin iyo Rajadii ay fila yeen oo sii lib qeysa sida bil Ramadaan. Tolow maxaa la gud boon Dowlada maxayse arintu noqon? Hadii kuwii wax qaba naayey horey loo badaley kuwii ku sii xigeyna la badaley, kuwii ay door teena ay waxba keeni waayeen yaa la sugayaa oo wax qaban kara ma kuwa kale oo cusub ayey Dawladu soo wadaa mise kuwii hore ayey u baahatey mise Ciidamo shi sheeya ayaa u ballan qaadey wax aa naan ogeyn tolow maxaa qarsoon?

Su’aalahaas waxaa ka jawaabi kara Dad u fakaraya sida ugu mac quulsan oo Dalka lagu bad-baadin karo.

  W/Q: Maxamed Sheekh C/llaahi (Kaligi-Dowlad)

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com