Xildhibaan Jeesow: Ma Jiro Wax Maamul Ah Oo Ka Jiraa Gobollada Jubooyinka

0

Daahir-Amiin-Jeesow-225x145Muqdisho(AGGM) Guddiga Arrimha aminiga iyo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka digay qorsheyaay leeskaga horkeenayo Beelaha dega Gobolada Jubbooyinka ee Dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Gudoomiye Ku xigeenka Guddiga Arrimha aminiga iyo Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Siyaasiyin iyo Qaar kamid ah Mas’uuliyiin horey Xil uga soo qabtay Dowladdihii KMG ahaa inay iska horkeenid ka wadaan Gobolada Jubooyinka isla markaana ay iska horkeenayaan Qabaa’ilada Deg Goboladaas.

Xildhibaan Jeesow ayaa ku nuuxnuuxsaday in Siyaasiyiintaasi hadii arrintan ay sii wadaan ay ka sii dareyso marxaladda Siyaasadeed ee ka jira Gobolada Jubbooyinka.

“Jubbooyinka kama jiro Maamul la yiraahdo Jubland hase ahaatee waxaa ka jira Dad isdilay iyo Aniga ayaa Hub badan waxaana waxaasi Wada Siyaasiyiin Dalka Dabadiisa ku sugan”intaasii ayuu Xildhibaan Jeesow hadalkiisa ku daray.

Hadalka Daahir Amiin Jeesow Gudoomiye Ku xigeenka Guddiga Arrimha aminiga iyo Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yimid kamid Shirk a dhacay Magaalada Nairobi oo ay ka qeyb galeen qaar kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin horey xilal ugu soo qabtay Dowladdihii KMG ahaa isla markaana eedeymo kulul u jeediyay Dowladda federalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com