Qaar Ka Mid Ah Shaqalaha W/ Warfaafinta Oo Abaal Marino Muhiim Ah La Gudoonsiiyey Maanta

0

DSC00213-466x350Muqdisho(AGGM) Munaasabad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ayaa maaanta lagu qabtay hoolka shirarka ee Wasaaradda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Gaadiidka ahna kusimaha Wasiirka Mudane Cabdi-shakuur Cali Mire, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdirisaaq Cali Yuusuf “Bahlaawi” Agaasimaha Waaxda Warbaahinta Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaalla, agaasimayaasha waaxyaha ee Wasaaradda, shaqaalaha Wasaaradda iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Xafladda lagu dhiirigelinayay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta kuwooda ugu fir fircoon waxaa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha Waaxda Warbaahinta Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaalla waxaana uu sheegay in abaalmarinta aysan wada gaari karin shaqaalaha Wasaaradda oo dhan, isagoo intaa ku daray in dadka lasoo xulay ay yihiin kuwa laga fiiriyay dhinacyo badan, inkasta oo ay jiraan dadka kale oo abaalmarinta mudan.

“Shaqaalaha maanta hortiina shahaadooyinka lagu guddoonsiinayo waxaan ku soo xulnay wadatashiyo dheer ay sameeyeen agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaradda, annagoo ka eegnay dhinacyo badan oo ugu horeyn ay ka mid ahayd sida uu qofka shaqadiisa daacad ugu yahay iyo doorka dheeraadka ah ee ay ka qaateen shaqooyin kale oo ka madax banaan howlihii ay qaranka iyo shacabka ay u hayeen” ayuu yiri Agaasimaha Waaxda Warbaahinta.

Sidoo kale waxaa munaasabadda hadal ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdirisaaq Cali Yuusuf “Bahlaawi” oo sheegay in abaalmarinta shaqaalaha  ay yihiin kuwa lagu dhiiri gelinayo shaqaalaha Wasaaradda, waxaana uu intaa ku daray in xoogaa ay hakad ku timid abaalmarinta shaqaalaha oo bil kasta la bixin jiray, sababo mashquul awgeed.

“Abaalmarinta waxaan ka eegnay sagaalka waaxood ee Wasaaradda ay ka koobantahay, laakiin waxaan is tusinay in sadax waax oo Wasaaradda ka mid ah in ay ugu fir fircoonyihiin, kuwaasi oo kala ah Waaxda Warbaahinta oo door muuqda ka qaadatay u tabeinta bulshada siyaasada dowladda, Waaxda Shaqaalaha oo lixdii bilood ee la soo dhaafay dib u habeyn ku sameysay shaqaalaha Wasaaradda iyo Waaxda Maamulka oo dhankooda door muhiim ah ka cayaaray” ayuu Agaasime Bahlaawi hadalkiisa ku daray.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda anha kusimaha Wasiirka Mudane Cabdi-shakuur Cali Mire oo munaasabada ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in tani ay tusaale u tahay shaqaalaha kale ee aan maanta abaalmarinta helin, loona baahanyahay in ay dhankooda is muujiyaan oo ay ka soo dhalaalaan doorka uga aadan shaqada qaranka.

Kusimaha Wasiirka ayaa xusay in dhiirigelinta shaqaalaha ay tahay mid niyadda u dhisaysa shaqaalaha, isagoo intaa ku daray dadkale oo abaalmarino la guddoonsiin doono oo ay ka midtahay Hobollada Waaberi, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay dhankooda bulshada gaarsiiyaan wax wanaagsan.

“Aniga aad ayaan ugu faraxsanahay munaasabadaan abaalmarinta lagu siinayo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda, waxaana aad u ammaanayaa Waaxda Warbaahinta oo runtii door muhiim ah ka qaadata sidii bulshada loo gaarsiin lahaa siyaasadda dowladda, waayo waaxdu waxa ay tahay isku xiraha shacabka iyo dowladda, shacabkana waxaan kula talinayaa in ay joogteeyaan la socodka Waaxda Warbaahinta ayna figradahooda halkaasi ka soo dhiibtaan” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Kusimaha Wasiirka Cabdi-shakuur Cali Mire.

Gabo gabadii waxaa munaasabadda lagu dhiirigelinayay Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Gaadiidka abaalmarino lagu guddoonsiiyay qaar ka mid ah shaqaalihii muteystay abaalmarintaasi, kuwaasi oo wejiyadooda ay ka muuqatay farxad.

Hadaba shaqaalaha maanta abaalmarinada la guddoonsiiyay waxa ay kala ahaayeen sida tan:_

Waaxda Warbaahinta

 

  1. Cali                  C/qaadir                      Cali-Maykal
  2. Muno               Cumar                         Xasan
  3. Cadnaan          Cali                              Maxamed
  4. Cilmi               Maxamed                    Waare
  5. Maxamed        Axmed                                    Maye
  6. C/laahi             Qorshe                                                 Dalka koonfur Afrika
  7. C/risaaq           Maxamed                    Axmed                        Gaalkacyo
  8. Ismaaciil          Mukhtaar                     Cumar             “Oronge”

Waaxda Maamulka & lacagta

  1. Cabdi              Axmed                        Shiikhoow
  2. Cabdi              Cali                  Macoow

Waaxda Kheyraadka Aadamiga

  1. Salaad                         Shiiqoow         Cilmi

Ciidanka Amniga ee Wasaaradda, gaar ahaan Boolis iyo Militeri

  1. Carfaaye          Cali                  Maxamed
  2. Abuukar          Nuur                Jimcaal

Munaasabadda ayaa waxa ay ku soo gabo gabowday jawi wanaagsan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com