Madaxweynaha Soomaaliya Oo Xil Muhiim Ah Magacaabay ( Warsaxafadeed)

0

Hassan_Sheikh_Mohamud-1Muqdisho(AGGM) Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Axmed Cabdikariin Nuur (Axmed daahir) loogu magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Hey’adda Dib-u-soo celinta & Dib-u-dejinta Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka.

Digreetada ayaa waxa ay u qorneyd sida tan:-

Xeer Madaxweynaha Lr.102                                                  Taariikh: 30/07/2013

MAGACAABID GUDDOOMIYAHA HEY’ADDA DIB-U-SOO CELINTA & DIB-U-DEJINTA QAXOOTIGA IYO BARAKACAYAASHA QARANKA

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, xarafka ‘K’ ee Dastuurka Jamhuuriyadda F.S

Markuu Arkay: Qodobka 97aad, Faqradda 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda F.S

Markuu Arkay: Qodobka 100aad, Xarfahiisa ‘A’ iyo ‘D’ ee Dastuurka J.F.S

Markuu Arkay : Qodobka 87aad, Farqadda 2aad ee Dastuurka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Markuu Aqbalay: Go’aanka Golaha Wasiirada iyo Soo jeedinta Ra’iisul Wasaaraha

Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Ref: XRW/MGC/00072/07/13, Taariikh: 28/07/2013

Markuu Tixgeliyay: Baahida loo qabo in la magacaabo Guddoomiyaha Hey’adda Dib-u-soo celinta & Dib-u-dejinta Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka

Wuxuu soo saaray Xeerkan

Qodobka 1aad

Laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 30/07/2013 waxa uu Madaxweynuhu u magacaabay Mudane Axmed Cabdikariin Nuur (Axmed-Daahir) in uu noqdo Guddoomiyaha Hey’adda Dib-U-Soo celinta & Dib-U-Dejinta Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka.

Qodobka 2aad

Waxa uu xeerkan dhaqangalayaa markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa faafinta rasmiga ha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

MUQDISHO 30/07/2013         Digreetadaan oo nuqul ka mid ah soo gaartay Warbaahinta Qaranka Waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com