Maamulka Galmudug Oo Xusaya Sanad Guuradiisii 7-aad Maanta

0

Gabdhaha Galmudug oo ka qayb qaadanaya munaasabaddaGalkacayo(AGGM) Munaasabad lagu xusayo todobo sano guuradii ka soo wareegtay markii la aas aasay Mamulka Galmudug oo maanta ku beegan ayaa ka socoto xarunta maamulkaasi ee gobolka Mudug.

Munaasabadda oo ay ka qayb galayaan mas’uuliyiin uu horkacayo Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee xagga amniga Warsame Maxamed Xasan “Warsame Joodax”, mas’uliyiinta gobolka Mudug, dadweyne iyo marti sharaf kale, kuwaasi oo qaarkood sitay boorar ay ku qornaayen halku dhigyo ay ku muujinayaan waxqabadka maamulkaasi,  waxaana munaasabadaasi lagu wayneynayaa todobo sanno guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay maamul goboleedka galmudug iyo sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Madaxweynaha Maamulkaasi Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid la doortay.

Madaxda ka qayb galaysa munaasabadda ayaa waxa ay ka hadli doonaan waxyaabihii u qabsoomay maamulka hadda jira ee uu Madaxweynaha ka yahay Cabdi Qaybdiid, iyo maamuladii ka horeeyay, iyadoo inta ay xafladda socotana goobta lagu soo bandhigi doono waxyaabaha cabadda ku noqday maamulka iyo wixii u qabsoomay intaba.

Cabdi Xasan Cawaale oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa hambalyo ku aadan munaasabadda awgeed hambalyo u diray shacabka Soomaalyeed, gaar ahaan shacabka ka soo jeeda Maamulka Galmudug, isagoo u rajeeyay in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan bash bash iyo baraare.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com