Maamulka Col Barre Hiiraale '' Dad Aan U Dhalan Soomaaliya Gorgortan Kalama Galeyno Ciida Soomaaliyeed ''

0

col.hiiraale1Kismaayo(AGGM) Iyadoo saacadihii la soo dhaafay warbaahinta gudaha dalka Soomaaliya qaarkeed baahinayeen inay jiraan warar ku saabsan inay jiraan heshiisyo dhexmaraya Maamulka Bare Aadan Shire iyo Horjooge Axmed Madoobe ayaa arrintaasi waxaa jawaab culus ka bixiyey maamulka Col Bare Aadan Shiire Hiiraale.

Masuul u hadlay Maamulka Col Bare Hiiraale ayaa daboolka ka qaaday inaysan jirin wax heshiis ah oo ay la galayaan kooxo uu ku tilmaamay inay dalka Soomaaliya dibedda kaga soo duleen iyagoo gacan ka helaya dawladda Kiiniya,waxaana Masuulkan shaaciyey inay jiraan dadaalo ay ku doonayana inay gobolada jubooyinka xoreyaan kooxaha laga keenay kilinka 5-aad iyo Gaarisa Guubaay.

Cabdiqani Maxamed Cismaan ( Xiish) oo ah xoghaynta Madaxweyne Bare Hiiraale ayaa daboolka ka qaaday inaysan jirin wararka warbaahinta qaarkeed shaacisay isla markaasna aysan gorgortan siyaasadeed ka galayn Gobollada Jubooyinka,waxaana uu sheegay in arrintaasi ay tahay mid aan macquul ahayn.

Sidoo kale waxaa uu shaaciyey in wada hadal lala gali karro dad ka soo jeeda gobollada Jubooyinka balse aan wada hadal ciidda soomaalyieed lagala gali kariin ka soo duulay wadamada deriska ah isagoo sheegay inaya Axmed Madoobe iyo kooxaha la socdaa laga so aruuriyay xeryaha qaxoortiga ee Gaarisa Gubaay ku yaala iyo Kilinka 5-aad.

Masuulkan waxaa uu sheegay in ciidamadoodu hadda qalabaysan yihiin isla markaasna hoostagaan dawlada federaalka ah ee Soomaaliya isagoo shaaciyey inay ka war sugayaan amarka dawlada federaalka ah,waxaana uu sheegay inaysan jabhadda Raaskambooni awood ay ku hor istaagaan aysan lahayn isla markaasna ka saari karaan guud ahaan xaduudda soomaaliya.

Ugu dambeyntii hadalkan waxaa uu imaanaya xilli ay Maanta warbaahinta la hadleen qaar ka tirsan Jabhadda raaskambooni kuwaasi oo shaaciyey inay wada hadallo ku jiraan Maamulka Bare hiiraale,waxaana arrintaasi jawaab deg deg ah isla maanta ka bixiyey maamulka Bare Hiiraale oo sheegey inaysan wada hadal la galeyn dadka aan u dhalan goboladda Soomaliya kana soo duulay degaano kale iyagoo gacan ka helay dawlada kiiniya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com