Guddoomiyayaasha Guddiyada Joogtada Ah Ee Baarlamaannada Soomaaliya Iyo Uganda Oo Kulmay

0

IMG_0515Kampala(AGGM) Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah kula qaatay magaalada Kampala guddoomiyeyaasha guddiyada Baarlamaanka dalka Uganda, iyadoo kulamadaasina ay ahaayeen kuwo qibrad isweeydaarsi ah.

Kulamadan ay yeesheen guddoomiyayaasha guddiyada joogtada ah ee Baarlamannada Soomaaliya iyo Uganda ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada Kambala ee dalka Uganda.

Sidoo kale kulamada ayaa ahaa kuwo inta badan la isku weydaarsaday aqoon iyo Khibrad ku saabsan howsha guddiyadaasi, waxana guddoomiyayaasha guddiyada joogtada ah ee Labada Baarlaman uu wada hadalkoodu ku qotamay sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta howlaha guddiyadaasi.

Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo ah guddoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka Qaranka ayaa waxa ay sheegtay in wadahadal iyo aqoon isweydaarsi heer sare ah la qaadatay guddiga ay la kulantay ee Barlamanka Uganda.

Sidoo kale guddoomiyaha guddiga Beeraha ee baarlamanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayoow oo kulan la qaatay dhiggiisa Baarlamanka Uganda ayaa tilmaamay in kulankii uu la qaatay guddiga Beeraha Baarlamanka Uganda uu ahaa mid ku qotomay Qibrad isweydaarsi, maadaama dalka Uganda uu ka mid yahay wadamada Africa ee dhaqaalohoodu ku tiirsanyahay wax soo saarka Beeraha.

Kulamadan gaar gaarka ah ee guddiyada joogtada ah ee Labada Baarlaman ee Uganda iyo Soomaaliya  ayaa bilow u ah dhaqan gelinta hesahiis mataaneyn ah  oo magaalada Kambala ay shalay ku kala saxiixdeen guddoomiyayaasha Baarlamannada labada dal Soomaaliya iyo Uganda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com