Badhasaab Xamarje Oo Ka Hadlay shiidaal sahamin laga bilaabayo Togdheer

0

XamarjeHargeysa(AGGM) Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji C/laahi (Xamarj) ayaa sheegay in uu dhawaan bilaabi doono wejigii labaad ee sahaminta shidaalka ee laga waday deegaamo ka tirsan gobolka Togdheer.

Axmed Cumar Xaaji C/laahi oo shalay war-baahinta kula hadlay magaalada Burco ayaa ku guubaabiyay bulshada gobolka Togdheer in ay ka qayb qaataan shidaal baadhista laga wado gobolka.

Guddoomiye Xamarje waxa kale oo uu xusay inay meel fiican u marayso sidii loo soo afjari lahaa cabashooyinkii ka dhashay sahaminta shidaalka, waxaanu hoosta ka xariiqay in shacbiga Togdheer ay ku midaysan yihiin in ay is-bar-bar taagasn shirkaddahs sahaminta ka wada gobolka Togdheer.

Isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “shacbiga ku nool gobolka Togdheer waxaan ku midaysanahay in aanu is-bar-bar taagno shirkadda sahaminta ka wada gobolka shaqo la’aan ayaa goor iyo ayaan dadka haysa taas oo noqonaysa tuulo iyo dagmo, waxaan aad iyo aad u hambalyaynayaa cuqaasha gobolka Togdheer oo igala qayb qaadata xalinta arrimaha noocaas oo kale marka ay noo yimaadaan si fiican isku kaaya garab istaagay dadweynaha iyo waxgaradka”.

Waxaanu intaasi raaciyay “waxaan gobolka Togdheer ku guubaabinayaa guud ahaan qaybtii baadhista shidaalka oo qaybtiisa hore ka faraxlanay si nabad qabana inoogu dhamaatay inay inoo bilaabi doonto faskii labaad, waxaan ku guubaabinayaa bulshada in aynu nasiib u yeelanay gobolka Togdheer reer Somaliland oo dhan ina sugaan, runtii waxaan leeyahay qof qof cabanaya la waayi mayo, laakiinse wadarta guud ee gobolka Togdheer waa la ina wada sugayaa sida laynoo wada sugayana dadaalkeeda iyo xilkasnimadeeda iyo dhamaystirkeeda aan samayno” ayuu yidhi Axmed Cumar Xaaji C/laahi (Xamarje).

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com