America: Dacwad Ku Socota Koox Ku Eedeysan Inay Dhaqaale U Direen Alshabaab

0

337Muqdisho(AGGM) Maxkamad ku taala dalka Mareykanka ayaa bilowday qaadista dacwad ka dhan ah Laba ruux oo ku eedeysan in ay dhaqaale uu soo dirayeen Argagixisada Shabaab.

Kadib dabagallo dheeraad ah ooo ay sameeyeen hay’adaha sirdoonka e wadanka Mareykanka ayaa lagu ogaaday in labadani ruux  ay wadeen qorshayaal ay ku taageerayaan kooxaha argagixsada Geesfka Africa.

Wakaaladda waraarka Mareykanka Associated Press oo soo xiganaysay warbixnno ay soo saareen saraakiisha FBI-da Mareykanak ee dembi baarayaasha ah ayaa sheegtey in Labadan ruux ay taageero isugu jirta mid dhaqaale iyo weliba wacyi gelin ay u sameynayeen argagixisada Shaabab.

Labadani ruux oo lagu kala magacaaba Gufraan Amed Kowser oo haysta dhalshada Mareykanka,  balse asalkiisu yahay Hindi iyo Maxamed Xuseen oo isna asalkiisu yahay Soomaali,  kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen falaal kala duwan oo argagixisanimo la xiriira,  waxaana intaasi u sii dheer in ay dhaqaale u soo dirayeen kooxaha Alqaa’idada Soomaaliya iyo in ay marin habaabin ka wadeen gudaha wadanka Mareykanka.

Kaaliayaha qaadiga Maxakamadda magaalada Miyaami ee gobolka Florida ee Mareykanka Ricardo Del Toro  ayaa sheegey in dhamaan macluumaadyadani si fudud lagu ogaaday ayadoo loo marayo aaladaha dhanka Internetka oo uu ku dheereeyo sirdoonka Mareykanka marka loo fiiriyo dunida inteeda kale.

Ku dhawaad 50,000 oo Doolar  ay siiyeen kooxaha Alqaa’iada ayaa lagu caddeeyey Documentiga ay soo bandhigtay Maxakamadda, laakiinse Labadani ruux ayaa iyagu ka biya diiday in ay dembiyadaasi  wax lug ah ku leeyeihiin.

Dacwad oogayasha ayaa sheegay in haddii lagu helo dembiyadaasi ay suurogal tahay in ay wajahaan xukunno xabsi dheer ah,  waxaana qaaddiyaasha Maxakamadda magaalada Miyaami ay xuseen in la haayo dadkaasi ilaamaa kiiskooda uu cadaado.

Falalka ay ku eedeysan yihiin ayaa waxaa kamid ah 19 kiis oo afduubyo ah iyo 11 weeraro argigixisanimo ah

Marka hore ayaa waxaa la sheegey in ay ka soo safreen magaalada Mumbaasa ee Kenya ayna galeen Sucuudiga,  ayadoo hay’adaha amaanka dalka Boqortooyada Sucuudiga oo gacanta ku dhigay ay u gacan gelkiyeen FBI-da Mareykanka.

Isha Ku Hay Allgagladuud

Allgalgaduud@gmail.com