Ahlusuna : Ma Jiro Khilaaf Ka Taagan Magacaabista Gudoomiyaha Cusub Ee Galgaduud

0

ahlusunaMuqdisho(AGGM) Maamulka Ahlusuna ee degmada Dhuusa Mareeb ayaa beeniyay in xiisad ka dhalatay magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ay ka taagan tahay degmadaas, kadib markii uu iska hor imaad ka dhacay duleedka degmadaas.

Sheekh C/raxmaan Geeda-qorow oo ah gudoomiyaha degmada Dhuusa Mareeb ayaa sheegay in aanay jirin xiisad ka taagan magacaabista, hase yeeshee iska hor imaadkii ka dhacay uu ahaa mid ciidamada Ahlusuna iyo Maleeshiyo hubeysan u dhaxeeyay.

“Ciidamada Ahlusuna markii ay ka war heleen in dhir jaris ka socoto deegaanka ayay ku baxeen, waxaana jidka u galay maleeshiyooyin hubeysan”ayuu yiri.

Waxaa uu sheegay in iska hor imaadka dhacay iyo magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen wehliye Cirfo aanay wax lug ah isku laheyn.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in laga taageersan yahay Gobolka magacaabista gudoomiyaha cusub ee Gobolka Galgaduud, isla markaana uu ku yimid rabitaanka shacabka.

Ugu dambeyntii Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa 27-kii bishii hore loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, inkastoo magacaabidiisa ay xubno ka tirsan Ahlusuna ka soo horjeesteen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com