W/Ganacsiga: Maalgashiga Dalka Ganacstadda Soomaaliyeed Waa u Furan Yahay

0

flagge-somaliaMuqdisho(AGGM) Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa sheegtay in sharciga maalgashiga Ganacsiga uu yahay mid u furan dhammaan Ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo Wasaaraddu ay faah faahin ka bixisay qorshaha maalgashiga shisheeyaha ee Dalka.

La taliyaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha  Axmed Maxamed Isaaq oo maanta u waramayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay Wasaaradda Ganacsiga ay ku howlantahay sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay iskula meel dhigi lahaayeen hanaanka maalgashiga shisheeye ee dalka, kaa oo haddii uu hirgalo waxbadan oo faa’iida ah ay ka heli karaan ganacsatada Soomaaliyeed

Axmed Maxamed Isaaq ayaa sheegay in sharcigan uu sahlayo in ganacsatada Soomaaliyeed ay xiriir la sameysan karaan shirkado shisheeye ah, uuna Al babaabka u furayo hormarinta Ganacsiga Soomaaliya.

Dhinaca kale la taliyaha Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa mar uu soo hadal qaaday warshadihii Soomaaliya waxa uu xusay in arrintaasi ay saameyn xoog leh ku keentay burburkii ka dhacay dalka, haatanna uu soconayo qorshe lagu dhiirri galinayo ganacsatada Soomaaliyeed sidii markale dib loo howlgelin lahaa warshadihii dalka ee ku bur buray dagaalladii dalka ka dhacay.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya ay baarlamanka horgeysay Hindise Sharciyeedka Maalgashiga Shisheeye ee dalka, kaa oo dad badani ay saadaalinayaan in uu ka qayb  qaadan karo horumarka ganacsiga dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com