Dhageyso: Wasiir Cabdishakuur Cali Mire Oo Dhegaha Ka Jafay Geedi & Kooxaha Qas-wadayaasha Ah

0

rw4-4Muqdisho(AGGM) Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdishakuur Cali mire oo warbaahinta la hadlay ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadallo dhawaan ka soo yeerayey kooxo qas-wadayaal ah kuwaasi oo ka soo horjeeda dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirku waxaa uu shaaciyey in kooxahaasi ay yihiin kooxo doonaya inay shacabka iyo dawlada iska hor kenaan,waxaana uu sheegay inaysan taasi dhici doonin isla markaasna shacabka Soomaaliyeed og yihiin waxa dawladu qabtey iyo hawlaheeda isla markaasna aysan dooneyn ina maqlaan kooxihi dhibta dalka ka geystey oo ka qaylinaya dalka dibediisa.

Waxaa uu Wasiirku sheegay inaysan dawladu waxaas dhibaato u arag balse ay  ceeb ku tahay kooxo doonaya inay mustaqabalka dalka soomaaliyeed wax ku yeeshaan inay xumaan ka taliyaan,waxaana uu sheegay in dadkaasi yihiin kuwo ku ceeboobay masraxa siyaasada dalka Soomaaliya isla markaasna waysan meel ay ka soo galaan siyaasada soomaaliya.

Ugu dambeyntii Cabdishakuur Cali mire waxaa uu ugu baaqay in kooxaha meelahaa ka qaylinayaa ay gartaan dantooda isla markaasna shacabka Soomaaliyeed war wanagsan u sheegaan oo aanay dhinaca xumaanta ka fiirin mustaqbalka soomaaliya,waxaana uu daboolka ka qaaday in dhibaato xoogan ay shacabka ku hayaan isla markaasna aysan dooneyn dawlada ka hana qaada dalka Soomaaliya kooxda qaswadayaasha ahi.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/08/Cabdishakuur-Cali-Mirre-.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com