Xog La Helay: Horjooge Axmed Madoobe Khubadiisi Afmadow Maxaad Ka Ogtahay?

0

179212Kismaayo(AGGM) Maalmihi la soo dhaafay waxaa degmada Afmadow ee gobolka Jubadda hoose laba maalin ku sugnaa Horjoogaha Jabhada Raaskambooni Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) isagoo halkaasi kaag qayb galay aaska ciidamo ka tirsanaa kuwiisa oo lagu laayey halkaasi.

Horjooge Axmed Madoobe waxaa uu halkaasi markii uu gaaray ka jeediyey khubad dheer taasi oo ka hadlaysay dhinacyo badan isla markaasna diiradda uu ku saaray Xaaladaha Jubooyinka gaar ahaan degaanada aysan maamulin ciidamada dawlada kiiniya iyo kuwa Jabhadda Raaskambooni.

Waxaa ka mid ahaa Khubadiisa Sidan: ” Sida aad la socotaan Waxaa Gacanta inoogu jira Magaalada Kismaayo,Afmadow & Dhoobley,Dhamaantoodana waxaa ku hareereysan Falaagada Alshabaab & Ciidamada dawlada federaalka ah oo qolo kastaa dhinaceeda ka dooneyso inay degaanadaas qabsadan maamulaana,taasna waxaanu ka wada hadalnay saraakiisha ciidamada kiiniya ee kismaayo ku sugan””.

Waxaa uu intaas sii raaciyey ”’ Ciidamada Kiiniya waxay diyaar u yihiin inay inaga caawiyaan dhinaca cirka, Lugta ,Badda & wixii saanad mileteri ah ee aynu u baahahno,Waxaana weerarkeena kowaad ku ekeyn doonaa Degaanka Goobweyn oo ay ku sugan yihiin ciidamadii dhawaan kismaayo laga saaray,Waxaana idiin sheegayaa inaad u diyaar garowdaan dagaal culus oo saf balaaran ah kiiniyana gacan inagu siin doonto dhan kasta’,Waxaana balan ah inaan ciidamada dawlada iyo kuwa Alshabaab si isku mid ah ula dagaalami doono hadii alle idmo”.

Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay arrimaha Gobolka Gedo Waxaana uu yiri : ” Gobolka Gedo waxaa noogu maqan wefti heer sare ah kuwaasi diyaar u ah inay ciidamada Gedo ku sugan iyo saraakishooda ay rayigooga bedelaan isla markaasna mabda,eena ka dhaadhiciyaan,Hawshana waxaa ku jira niman odayaal ah oo misaan leh isla markaasna wax badan bedeli karra,Maanta waxaynu haysanaa Jaanis wanaagsan oo aan waligeen ina soo marin ,haduu ina dhaafana aan dib inoo soo mari dooni ”.

Waxaa kale oo uu ka hadlay ciidamada Jabhadiisa Iyo Qoritaan lagu sameynayo,Waxaana uu yiri ”’  Ciidamada Jubbaland waxaa ciidamada kiiniya wadaan Qoritaan ay ku sameynayaan isla markaasna lagu doonayo in lagu caadeeyo inay yihiin ciidamadii tababarka ku soo qaatey  KAMENGA ee dalka kiiniya, Waxaa kale oo la qorayaa askar hor leh kuwaasi oo la liis gareyn doono isla markaasna iyagana la siin doono Kaarka Askarinimadda,Waxaaa Reer Afmadow laga doonaya inay is qoraan ciidamadaasi si ay dalka u hantaa ”’.

Ugu dambeyntii Axmed Madoobe waxa uu sheegay in ciidamadda dawlada kiiniya ay u garab taagan yihiin inay weeraraan ciidamada dawlada federaalka ah ee ku sugan gobolka Jubadda Hoose,waxaana uu sheegey in ciidamo cusub oo beeshiisa ah hadda la qorayo si ciidamadiisa la oo xoojiyo,dhinaca kale waxa uu sheegay inay jiraan Rag Misaan leh oo u diray gobolka Gedo kuwaasi oo uu ku sheegay inay kala furfurayaan ciidamada dawlada ee Gobolkaas ku sugan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com