Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda “SAWIRRO”

0

IMG_0516Kampala(AGGM) Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa duhurnimadii maanta gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxaana Gudoomiyaha iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaraha Entebbe International Airport kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Uganda iyo Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Uganda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa waxaa loosoo galbiyey hotelka loo diyaariyey in la dejiyo ee Emperial Royale Hotel oo aad ugu dhow dhismaha Baarlamaanka dalka Uganda waxaana durbaba ay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa ay Hotelka ku qaabileen mas’uuliyiin ka socotay Baarlamaanka Uganda oo ay la qaateen kulammo hordhac u ah kulammo guud oo ay labada Baarlamaan wada yeelan doonaan.

Socdaalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdigiisa ay ku joogaan ayaa ka dambeeyey kadib markii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Uganda ayadoo maalinnimada berri oo Talaado ah haduu Alle idmo ay labada Gudoomiye wada saxiixan doonaan heshiis rasmi ah oo dhabaha u xaaraya in labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Uganda ay si joogta ah u wada shaqeeyaan.

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa ka mid ah,Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad,Gudoomiyaha gudiga Dastuurka Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim,Xildhibaan Aadan Ibraahin Dhaayow oo ka tirsan gudiga Beeraha, Xildhibaanad Maryan Aweys Jaamac oo xubin ka ah gudiga arrimaha Bulshada,Xildhibaan C/laahi Maxamed Xirsi oo xubin ka ah gudiga Dib u heshiisiinta,Xildhibaanad Faadumo Odawaa Raage,Marwada Gudoomiyaha Baarlamaanka Marwo Xaawo Ibraahin Aadan iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ka mid ah Wafdiga oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kampala ayaa sheegay in socdaalkan uu ahaa mid ay in mudo ah ka wada shaqeynayeen xoghayeyaasha guud ee Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda oo iyagu diyaarinayey heshiiskan wada shaqeynta labada Baarlamaan,sidoo kalena waxa uu Mudane Mahad Cabdalla cawad sheegay in ay wafdigu la kulmi doonaan inta ay joogaan magaalada Kampala Jaalliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha dalka Uganda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

IMG_0393IMG_0401IMG_0447IMG_0516IMG_0550IMG_0491IMG_0515IMG_0556IMG_0557IMG_0525IMG_0556IMG_0566