Tarsan Oo Ka Hadlay Dhulalka Laysku Haysto

0

tarsan1Muqdisho(AGGM) Guddoomiyha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa kulan looga hadlaayay Murunka ka taagan Dhulalka iyo Guryaha Muqdisho waxa uu shalay la qaatay Xildhibaano ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa kala hadlay Mudanayaansha Baarlamaanka muranka ka taagan Dhulalka iyo Isqabqabsiga Guryaha Magaalada Muqdisho xili maalmihii dambe ay soo badanayeen Isqabqabsiga iyo Muranka xoogan ee ka taagan Dhismayaasha qaarkood ku yaala Muqdisho iyo Dhulalka oo qaarkood  Dowladda Hoose ay ku doodeyso inay iyada leedahay hase ahaatee ay Dad Shacab ah sheeganayaan lahaashiyaha Dhulalkasi waxaana uu sheegay Gudoomiyaha in Baarlamaanka looga baahanyahay inay xal ka gaaraan arintan.

Ugu dambeyntii Gudoomiye Tarsan ayaa sheegay in Xildhibaanada Soomaaliya ay kormeerayaan arrimaha ku aadan Isqabqabsiga iyo Murunka ka taagan maadaama ay yihiin Hay’addihii Sharci dejinta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com