Kooxo Hubeysan Oo Dad Rayid Ah Ku Dilay Degaanka Gadood Ee Gobolka Mudug

0

Maleeshiyo-hubeysan-618x366Galkacayo(AGGM) Kooxo dabley ah oo hubeysan ayaa la sheegaya inay maanta degaano hoostaga gobolka mudug ku dileen dad shacab ah oo reer guuraa ah kuwaasi oo la sheegay inay ahayeen dad xoolo dhaqato ah isla markaasna ku dhaqnaa degaanka loo yaqaano Gadood ee gobolka Mudug.

Degaan Gadood waxay u dhawdahaay magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug,waxaana la sheegayaa in halkaasi saaka ay weerar ku qaadeen kooxo hubeysan kuwaasi oo halkaasi ku diley hal nin oo shacab ah iyagoo dhaawacyo kala duwan soo gaarsiiyey Haween tiradooda lagu sheegay 3 ruux.

Kooxaha dilkan fuliyey ayaa la sheegay inay halkaasi ka baxsadeen marki ay dilkaasi fuliyeen,waxaana la sheegaya inay dib ugu laabteen degaanadii ay dulaanka ka soo qaadeen,waxaana dilkan lagu sababeeyey aanooyin qabil oo muddo dheer ka soo taagnaa degaano badan ka tirsan gobolka mudug halkaas oo ay ku dagaalamaan dad xoolo dhaqato ahi.

Nabadoon ka soo jeeda dhinaca Koonfurta Galkacayo oo lagu magacaabo Nabdoon Maxamed  Caano ayaa shaaciyey in dilkaasi uu dabada ku hayo anooyin qabiil oo salka ku haya dadka xoolo dhaqato ah oo ka soo kala jeeda koonfurta iyo Waqoyiga galkacayo,waxana uu sheegay in arrintaasi in la soo afjaro mudo dheer lagu guuleysan waayey.

Ugu dambenytii Maalmo ka hor ayey ahayd markii Dabley hubaysan ay halkaasi ku dileen ilaa 2 kamid ah Xooladhaqatada ku Nool degaano ka tirsan Magaalada Gaalgacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com