Horjooge Alshabaab Ah Oo Lagu Dilay Tuuladda Tardo Ee Degmada Buulo Barde

0

252_largeMuqdisho(AGGM) Horjooge ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab oo lagu magacaabi jiray Cali Wadaafo ayaa ku geeriyooday israsaaseyn shalay galinkii dambe dhex martay maleeshiyo uu horjoogaha u ahaa. Waxaana la sheegay in rasaastaasi ay isweydaarsanayeen kooxaha dagaalamayey ay ka heleeshay meel halis ah.

Is rasaaseynta oo ka dhacday deegaanka Tardo oo ka mid ah deegaannada hoos yimaada degmada Buulo Barde ee gobolka Hiiraan ayaa timid markii malleeshiyad ka wada tirsan Shabaab ay ku murmeen in si khasab ah timaha looga jaro nin dhallinyaro oo ka mid ah dadka deegaanka.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Tardo ayaa xaqiijiyay dhimashada horjooge Cali Wadaafo oo ay haleeshay rasaastii ay dhinacyadii dagaallamayay is waydaarsadeen isla markaasna uu ku geeriyooday goobtaasi,waxaana la sheegay in dilkiisa loo xirxiray dhawr askari oo falaagada Alshabaab ka tirsan.

Wararka ka imaanaya deegaannadaasi ayaa tilmaamaya in halkaasi ay ka  jirto Xiisad kacsanaan ah oo ka dhalatay dhismashada horjoogahaasi,Waxaana la sheegayaa in shabaabka halkaasi ku sugnaa ay u kala baxeen laba saf oo soo kaal horjeeda isla markaasna isku haya siyaasada gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyntii malleeshiyaadka Shabaab ayaa ku caanbaxay dhibaateynta shacabka ku nool  deegaanada ay weli kaga harsanyihiin dalka, iyagoo dadku ku jahawareereen ammarada is khilaafsan oo ay bixiyaan maleeshiyaadkaasi kuwaas oo sababa gacan ka hadal dhex mara maleeshiyaad ka wada tirsan Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com