Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Oo Markii U Horeysay Shir Jaraa'iid Qabtey Kana Hadlay…

0

Cirfo-466x350Muqdisho(AGGM) Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye  oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay xoogga saari doonaan xasilinta ammaanka gobolka, iyo sidii loo kobcin lahaa ilaha dhaqaale ee gobolka islamarkaana loo soo nooleyn lahaa dhamaan adeegyada ay bulshadda u baahanyihiin.

“Waxaan ku dadaali doonaa dhismaha iyo hirgelinta hay’adaha, waxaan kaloo xoogga saareynaa in aan horumarino adeegyada guud ee aas aasiga u ah bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo kuwa kale” ayuu Cirfo hadalkiisa ku daray.

Mudane  Xuseen Cali Wehliye  Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ayaa ugu baaqay shacabka deegaanadda Gobolka galgaduud kasoo jeeda gaar ahaan dadka qurba joogta ah in ay ka qeyb qaataan Horumarinta Gobolka, maadaama aan looga maarmeyn sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarka gobolka.

“Waxaan ka codsanayaa maamulada dariska la ah gobolka in ay nagala shaqeeyaan horumarinta gobolka, islamarkaana aan wada yeelano kulamo looga wada tashanayo isdhex galka bulshada iyo sidii gobolka looga hirgelin lahaa mashaariicda ay waddo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Galgaduud.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Xuseen Cali Wehliye   loo magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka galgaduud, iyadoo maamulkii hore uu waqtigiisii dhamaday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com