Golaha Guurtidda Oo Madaxweynaha Ku Bogaadiyay Hirgelinta Derajooyinka Ciidamadda Somaliland

0

Guddoomiyaha-Guurtida-225x300Hargeysa(AGGM) Gudoomiyaha Galaha Guurtida Md Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay wehelinayeen gudida joogtada ah ee golahaasi ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta aqalkaasi ee magaalada Hargaysa waxa uu ku hambalyeeyey maxadwaynaha Somalind Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo gudidii u xil saarnayd bixinta derejooyinka Ciidammadda.

Godoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa ugu horayn hambalyo u diray madaxwaynaha Somaliland isagoo ku hanbalyeeyey go’aankiisi geesinimada lahaa ee uu ku dhiiraday ee talaabadii bixinta derejooyinka ciidamada qaranka, oo uu ku tilmaamay talaabo qaadisteeda ay ay hore cidi ugu dhiiran waydey.

Dhanka kalena Gudoomiyuhu waxa uu hambalyo u diray gudidii madaxwaynuhu u xil saaray qiimaynta bixinta derejooyinka ciidamada qaranka, gudidaas oo ku sufeeyey mid ka soo baxday xilkeedii iyo waajibaadkii loo igmaday.

Gudoomiye ku xigeenka gudida joogtada ah Cawil Xuseen oo ay wehelinayeen xildhibaanadda gudida joogtada ah ayaa iyaguna geestooda hambalyo u diray madaxwaynaha Somalilnd Md. Amed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) iyo gudidii kala saarista derejooyinka ciidammada qaranka waxana uu gudoomiye ku xigeenka guddi hoosaadkaasi shaaca ka qaday in golaha guurtidu siin doonaan shahaado sharaf gudidii qiimaynta dere jooyinkii ciidammadda qaranka,

Dhinaca kalena mudanayaasha gudida joogtada ah ayaa tilmaamay in cidii cidamada ku jirta ee wax tabanaysaa ay u tegi karaan xafiiska gudida kala saarista qiimaynta cidamada qaranka .

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com